Banki Moon Oo Caalamka Ugu Baaqay In Si Wadajir Ah Loola Dagaalamo Xarakada Al Shabaab.

0

Ban Ki-moonNew York (AGGM): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa khudbad ka jeediyay kulan gaar ah ee looga hadlayay la dagaalanka Alshabaab oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen dowladaha Talyaaniga iyo Ethiopia ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxda Alshabaab.

Banki Moon Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa furay shir ay soo qabanqaabiyeen wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga kaasoo looga hadlayay la dagaalanka argagixisada Shabaab.

Sidoo kale Banki Moon waxa uu ku dheeradaaday muhiimada ay leedahay in la xoojiyo oo la teyeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu sheegay iney meesha ka saari karaan argagixisada geeska Africa haddii si wanaagsan loo dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Bank Moon wuxuu si aad ugu mahadceliyay dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna amaanay heshiiskii bishan horaanteedii ka dhacay magaalada Adis’ababa  kaas oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Shirkan gaarka ah ee loogu hadlayey la dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dadaalada ay dowladu ugu jirto sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa maleeshiyaadka Shabaab,  isagoo hoosta ka xariiqay in dowladu ay  muhiimad gaar ah siineyso dhismaha ciidamada qalabka sida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com