Booliska Aduunka “Interpol” Oo Soo Saaray Warqada Lagu Soo Xirayo Samantha Lewthwaite.

0

samantha-lewthwaiteNairobi (AGGM): Booliska aduunka ee Interpol ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo haweenay u dhaltay dalka bariten oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite, kadib markii dowladda dalkani kenya ay codsay in haweenaydan loo soo gacan galiyo.

Bayaan la soo saaray ayaa waxaa ay lagu sheegay in haweenaydan oo 29 sano jir ah , ay Kenya u doonayso in loo soo gacan galiyo kadib markii la sheegay in haysatay hub iyo waxyaabo kale oo qarxa ayna damacsaneed in ay weeraro ka geesato dalka Kenya bishii December 2011kii

Booliska Aduunka ayaa ka dalbaday wadamada xubnaha ka ah Interpol in ay soo qabtaan hadii ay arkaan haweenaydaas oo ay Kenya ay doonayso in loo soo gacan galiyo.

Warar la isla dhaxmarayay Mudooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Samantha Lewthwaite ay kamid ahayd dablaydii weerartay xaruunta Westgate ee Nairobi, inkasto madaxweynaha dalka Uhuru Kenaytta uu ku sheegay wararkaasi kuwo aan la hubin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com