Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Si Yaabo Kala Duwan Sadex Ruux Ugu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

top-newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo Seddex ruux siyaabo kala duwan ugu dilay 24 saac gudahooda gudaha magaalada Kismaayo .

Dadka la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen labo shacab iyo hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kismaayo ayaa waxa maalmahan kusoo badanaayey dilalka nuucaan ah mana jirto cid loo qabtay fal danbiyeedyadaas walow ay marwalbo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku celceliyaan in magaaldada Kismaayo ay tahay mid aad u xasiloon oo amnigeeda la isku haleyn karo  .

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan balse mida hadda ka taagan ayaa ah midii abid ugu darneed ee ay soo marto magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com