Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Madaxda Caalamka Kula Kulmay Magaalada New York.

0

nwNew York (AGGM): Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul, Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamaad iyo xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa kala hadlay taageerada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, xoojinta ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caalamka laga doonayo inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya, si looga guuleysto argagixisada, isla markaana Geeska Afrika uu u noqdo meel nabdoon.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aragagixisada Soomaaliya ay ku jiraan tiro badan oo ajaaniib ah, balse loo baahan yahay in laga guuleysto oo la sii wado dagaalka lagula jiro, taasna ay ku imaan karta xoojinta iyo dhisidda ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu xusay in taageerada iyo aqoonsiga caalamka ay ka caawisay inuu wax badan u qabsoomo, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in la sii horumariyo dadaallada hadda socda.

tot7
tot3
tot5

tot2

tot4

tot6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com