Dhageyso: Maamulka Bare Hiiraale: Hadii Nabad La Rabo, Waa In Dawladu Dhex-Dhexaad Ka Noqotaa Shirka Muqdisho

0

barre-hiiraaleKismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha u Yahay Mudane Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu maalmaha soo socda ka furmo Magaalada Muqdisho kaasi oo laysugu keenayo dhamaan beelaha dega Gobollada Jubooyinka & kooxaha isku haya siyaasada gobolladda Jubooyinka.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland Xasan Qaasim oo saxafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan cid kasta oo nabad wada,waxaana uu sheegay in nabadaasi tahay in loo maro meesha haboon,waxaana uu shaaciyey in dhinacoodi ay diyaar u yihiin cid kasta oo nabadda ka shaqeyneysa inay la hadlaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cidii shirkaasi soo qaban qaabineysa looga baahan yahay inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha jubooyinka,waxaana uu sheegay inaan fekerkooda uusan waxba iska bedelin,waxana uu carabka ku dhuftey in loo baahan yahay in cadaalada lagu dhaqmo.

Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday inay mawqifkoodu inuu yahay caadalad isla markaasna beel kasta oo degta Gobollada Jubooyinka ay helaan xaqooda,waxaan uu sheegay in arrintaasi dawladda iyo kooxaha siyyaasada isku haya looga fadhiyo,waxaana uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada wali ka socota kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay arrimaha magaalada Kismaayo isagoo shaaciyey in Magaalada Kismaayo ay ka dhacaan falal aad u xun oo ay geystaan kooxda Raaskambooni,waxanaa uu sheegay in shacabka lagu dhibaateeyo Magaalada Kismaayo isla markaasna ay dil, dhac iyo kufsi ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Afhayeenka-Barre-Xasan-Qaasim-Warsame.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com