Labo Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Kenya Oo Saaka Aroorti Lagu Dilay Magaalada Mandera

0

mandera1Mandera (AGGM): Rag la rumeysan yahay inay argagixiso yihiin ayaa saaka aroortii weeraray saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandera ee u dhow soohdinta Soomaaliya, waxayna dileen labo askari oo boolis ahaa, waxay kaloo dhaawaceen saddex kale.

Dableyda waxay dab qabad-siisay ugu yaraan 11 gaari oo yaallay saldhigga ka hor inta aanay ka baxsan goobta.

Toddobo ka mid ah gaadiidka ayaa ku baaba’ay dabka, sida ay sheegeen booliska.

Dableyda waxay kaloo rasaas xooggan ku furtay mid ka mid ah xafiisyada dowladda ee Mandera.

Madaxa booliska Mandera ee xilkiisa sii dhammaanayo, Charlton Mureithi ayaa sheegay in dableyda ay weerarka geysatay xilli inta badan booliska ku sugnaa saldhigga ay hurdeen.

“Waxay geysteen burbur baaxad leh iyo dhimasho ka hor inta aanayn baxsan, balse waxaan rajeyneynaa in la soo qaban doono,” ayuu yiri.

Askarta ku dhawaacantay weerarka ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta loo duuliyo magalaada Nairobi si halkaas loogu daweeyo.

Waa weerarkii labaad ee ka dhacay gobolka Waqooyi bari tan iyo xalay oo Arbaco ahayd.

Magaalada Wajeer waxaa xalay lagu dilay hal qof, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas iyo qaraxyo ay tuurtay dabley wadatay labo gaari.

Ciidanka ammaanka ayaa ku guuleystay inay qabtaan mid ka ah dableydii geystay weerarka, kaas oo la qabtay isagoo dhaawac ah.

Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan ku wadaan eedeysanaha si uu gacan uga geysto qabashada dambiilayaasha kale ee ku lugta lahaa weerarka.

Madaxa booliska Wajeer, Isaiah Odhiambo waxa uu sheegay inay adkeeyeen ammaanka magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com