Jeneraal Saacid Oo Gaaray Magaalada Baladweyne Si Weyna Loo Soo Dhaweeyey

0

DSC09298Baladweyne(AGGM) Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaana Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan loogu soo dhaweyey si aan hore loogu arag iyadoo maamulka iyo shacabku si wada jir ah u soo dhaweeyeen.

Jen. Saacid ayaa garoonka diyaaradah ee Ugaas Qaliif waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Meleteriga dowlada iyo kuwo walaalaha Jabuuti ee ka tirsan Amisom,waxaana lagu wadaa inuu halkaas ku sii sugnaado ilaa maalmaha soo socda isla warbixin ka dhageysto taliska booliska gobolka hiiraan.

Taliyaha ciidamada Booliiska Gen Saacid ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ee ka howlgala gobolka Hiiraan. Taliyaha iyo weftigiisa waxaa loo galbeyey huteel ku yaala Magaalada Baladweyn halkaasi oo u ku sugnaan doono ilaa inta shaqadu u soo dhamaaneyso.

Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kulan ay albaabadu u xiranyihiin la leh saraakiisha ciidamada Booliiska iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan. Waxaana uu ka dhageysan doonaan baahiyaha ciidamada booliska ee gobolka Hiraan iyo arrimaha dhinaca amaanka ee Magaalada Baladweyne ee dawladu gacanta ku hayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com