Hogaamiyaha Falaagada Al Shabaab Oo Fariin Uu Soo Dirray Uga Hadllay Falki Waxuushnimda Ahaa Ee Westgate Mall.

0

ahmed-godaneMuqdisho (AGGM): Hoogaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al Shbabaab Axmed Cabdi Godane [Mukhtaar Abuur Zubeyr] ayaa fariin cod ah oo uu soo dirray waxaa uu kaga hadlay weerarkii maalinkii Sabtida ka dhacay Suuqa Westgate, halkaasoo xoogag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay xoog ku galeen.

Abuu-Zubeyr ayaa fariinta uu soo dirray waxaa uu ku boogadiyay sida uu hadalka u dhigay ragii fuliyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay halyeeyadii mujaahidiinta, isagoo weerarka Westgate ugu magac daray in ay aheyd duulaanka Badar.

“Maalintii Sabtida taariikhduna ay aheyd 21 Sept 2013 kuna aadan 10 bari kadib sanadguuradii 12aad ee camaliyaadkii 11-kii Sept waxaa Nairobi ka billowday malxamo ka mid ah malaaximta taariikhda Islaamka, taas oo dhiiggooda ay ku qoreen qaar ka mid ah Mujaahidiinta naftood hurayaasha ah.

Mujaahidiintaas oo ka dhiidhiiyay duulaanka lagu qaaday dhulka Muslimiinta iyo xasuuqa loo geystay dadkooda maatida ah” ayuu yiri Abuu Zubeyr.

“Waxay dhakafaar ku aheyd madaxda Kenya ee sida ka fiirsi la’aanta ugu soo duulay Wilaayaadka Islaamiga, waxay qisaas u aheyd reer galbeedka duulaanka Kenya taageeray ee danaha shirkadahooda Batroolkana dhiigga Muslimiinta u daadinaya” ayuu mar kale yiri Abuu Zubeyr.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay labo mid kala doortaan, isagoo dusha kaga ruuray in mas’uuliyada dhibka kaga imaanaya duulaanka ay dowladooda soo qaaday, isagoo xusay in reer Kenya ay doorteen dagaal aanay awood u laheyn, isla markaana aanay ku guuleysan karin.

“Bulshada reer Kenya waxaan leenahay waxaad gasheen dagaal aan kiina aheyn oo danahiina ka dhan ah, waxaad lumiseen amnigiina iyo dhaqaalihiina, waxaad weydeen wiilashiinii, xasuuqa uu Ciidankiinu ka geystay Kismaayo iyo deegaamada kale qeyb ayaa ka tihiin, maxaa yeelay siyaasiyiinta adinka ayaa doortay, canshuurta aad bixisaan ayaa lagu hubeeyaa Ciidanka Uhuro ee Muslimiinta xasuuqaya,go’aanka dagaalkana waa taageerteen”ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka reer Kenya in dalkooda aanu awood u laheyn in dagaal sii daba dheeraada, isla markaana aanay u dulqaadan karin weeraro dhiig bax ah oo dalka Kenya gudihiisa ka dhaca, waxaana uu kula taliyay in ciidamadooda kala baxaan gudaha Soomaaliya.

Fariintan uu soo diray Amiirka Al-Shabaab oo la soo dhigay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa imaanaya, iyadoo weerar afar maalmood socday oo ka dhacay Xarunta Westgate ay ku dhinteen dad ka badan lixdan ruux oo ay ku jireen muwaadiniin ka soo jeeda reer Galbeedka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com