Maamulka Hiiraan: Alshabaab Waan Ka Sifeyneynaa Degaanada Gacantooda Ku Jira

0

laqanyoMuqdisho(AGGM) Xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ay wadeen howlo balaaran oo ay kaga saarayeen deegaano fara ku tiris ah oo maleeshiyaadka Shabaab ay ku sugnaayeen, ayaa maanta maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka gobolkaasi, waxay wacad ku mareen in si deg deg ah ay kaga saarayaan maleeshiyaadkaasi deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Korneel Cabdi Faarax Laqanyo ayaa waxaa uu wacad ku maray in maalma kooban  gudahooda dagaal ay ku qaadayaan deegaanada maleeshiyaadka dhagarta badan ee Al Shabaab ay kaga suganyihiin gobolka Hiiraan, islamarkaana deegaanadaasi lagu soo celinayo gacanta Dowladda.

“ ma fiicno in la sii fiirsado in Kooxda Al Shabaab ay ku sugnaadaan deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan, oo ay sii dhibaateeyaan dadkeena, waxaan arrinkani maalmihii la soo dhaafay kala soo hadlay Dowladda Soomaaliya, waana isku afgaranay in la xureeyo deegaanada gobolka Hiiraan, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadka ku dhaqan gobolkani inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Argagaxisada Al Shabaab” Ayuu yiri guddoomiye Laqanyo.

Ugu danbeyntii Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda balanqaaday inay garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay ku taageerayaan la dagaalanka Al Shabaab, iyagoo ku hanjabay inay qoriga qaadayaan oo ay ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com