Gudoomiye Kaliil Oo Gaaray Magaalada Muqdisho Si Weyna Loo Soo Dhaweeyey

0

148Muqdisho(AGGM) Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil oo maanta ka soo degay Air-Portka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeyb galay Shirkii Caalamiga ahaa ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya islamarkaana ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Gedo ay qorsheynayaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo Degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Mr Kaliil ayaa waxa uu tilmaamay in muddo dhow ay gacanta dowladda ay soo gelin doonaan deegaanada iyo Degmooyinka ay Al Shabaab ka Maamulayaan Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa waxa gacanta ku haya dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab iyadoona  Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Maamulka Gobolkaasi Gedo intuba ay sheegayaan in Al Shabaab gebi ahaan ay ka cirib tiri doonaan degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii Mudane Kaliil waxaa uu kulamo la soo qaatey Jaaliyaddaha Gobolladda Gedo,Jubooyinka & Galgaduud ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud,waxaana uu uga warbixiyey xaalada degaanada Jubooyinka Iyo Gedo xilligan ku sugan yihiin iyo sidii dadka degaanka ka soo jeedaa u maalgashan lahayeen dhulkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

148