“Axsaabta Qaranka Nin Somaliland Inay Dunto Doonaya ayaa ku soo Dhex Gaban Kara Ee Ogaada”

0

wasiiraddi-300x112Hargeysa(AGGM) Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalaxiiska ee Somaliland Cali Siciid Rayagal, ayaa sheegay in xubno cadaw ah oo mujo-xaabin kara qaranimadda Somaliland ay ku soo dhex dhuuman karaan axsaabta siyaasadda.

Wasiir Raygal oo hadal ka jeediyay xaflad qaadhaan loogu ururinayay dhismaha waddada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, oo xalay lagu qabtay Hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale shacabka Somaliland uga digay in aanay waxba ka maqlin xubno uu sheegay in ay siyaasadda ku hafadeen, isla markaana garan la’a meel ay wax u kexeeyaan.

Waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin ku fashilmay hogaaminta Somaliland ay xukuumadda eedaymo aanay waxba ka jirin markasta caado ka dhigteen in ay u jeediyaan. waxaanu yidhi “Nin siyaasadda ku margaday oo wax badani ay seegeen, oo sidii ninkii fulayga ahaa isaga oo faraska saran faraska ka degay, ee inta uu orday faraskii aamini waayay ee garan-waayay meel uu wax u kexeeyo, ummadda Somaliland u maqli mayso. Somaliland waa dal jira oo qaran ah, ayaanay beesha caalamku ina aqoonsanine. Cadaw way leedahay, cadawgaasi ama guddaha ha noqdo ama dibada ha ka yimaado”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Innagu axsaab qaran ayaynu samaysanay, waxa aynu u samaysanay saddexda xisbi qaran in si dimuqraadiyad ah, in si sharaf ah loogu soo tartamo kursiga, oo dadku isaga oo xor ah uu tartanka ka qayb galo, axsaabta qaranka nin in ay Somaliland dunto doonaya ayaa ku soo gaban kara, markaa waa in aad ogaataan oo in uu qaranka mijo xaabin karo aad ogaataan, oo aad indho dheer u yeelataan” ayuu yidhi wasiirku.

waxa kale oo uu wasiirku sheegay in xukuumaddan talada hasya uu qorsheheedu yahay in ay ka shaqayso waxqabad dhinacyo badan leh, sida wadooyinka, caafimaadka, deegaanka beeraha iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

isaga oo arrintaasi ka ahdlayana, waxa uu yidhi “Xukuumadan uu madaxwaynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxay ka shaqaynaysaa waxqabad, kaasi oo ah in wadooyinkii wax laga qabto, waxbarashadda, caafimaadka, deegaanka, biyaha, beeraha iyo meelo kale weeyi, markaa nidaamkii hore waxaa lagu soo dhaqmayay in shilimadda yar ee wadanka soo galaba la iska qaybsado”.

Dhinaca kale wasiiru dawlaha maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo isna ka mid ahaa Wasiiradii xafladaasi xalay hadalka ka jeediyay ayaa soo dhawaysay ansixintii xeerka takaaliifta wadooyinka ee ay shalay golaha wakiiladu codka aqlabiyadda ah ku meel mariyeen. Ka dib dhawr maalmood oo ay xidlihanaabadu ku guddo jireen dood kulul oo ay ku lafo- gurayeen xeerkaasi.

Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), ayaa ku tilmaamay ansixintii xildhibaanadda ee xeerkaasi in ay u hiiliyeen qaran-nimadda iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana ay muddaneyaasha golaha wakiiladdu si sax ah u raaceen dariiqii iyo u jeedadii loo doortay. waxaanu si aad ah ugu mahad naqay wasiirku xildhibaanadii codka ansixinta ku ogolaaday xeerkaasi.

Isaga oo arrimahaasi ka ahdlayana waxa uu yidhi “Waxaan u mahaad naqayaa sideed iyo kontonkii xildhibaan ee shalay u codeeyay xeerka takaaliifta wadooyinka jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan si gaar ah ugu sii mahad naqayaaa xildhibaanadda ka soo jeeda gobolka Sanaag oo aad noola shaqeeyay, wax badan baa loo sheegay, baarlamaanku waa in uu doodo, waana in uu dhegaysto dareenka dadwyanaha jamhuuriyadda Somaliland, dooduna waa wixii loo doortay, waana in ay miisaamaan, wax kasta oo dalkan yimaada, dimuqraadiyadeena aynu qaadanay ayay ka tur-jumaysaa, waxaanay xildhibaanadaasi u hiiliyeen iyaga iyo wasiiraddii ka shaqeeyayaba horumar aynu ku naaloon doono, waxay u hiiliyeen gabadha uurka leh ee jidka ku soo dhimata iyada oo dhakhtarka lagu soo wado, waxay u hiiliyeen dadka reer Ceerigaabo ee waayeelka ah, oo yimaada Burco ama Hargaysa, iyaga oo dhakhtar u socda, waxay u hiiliyeen baayac-mushtarka, waxay u hiiliyeen qaranka jamhuuriyadda Somaliland, aad iyo aadna waan ugu mahad naqayaa, wuxuu ahaa cod qaali ah, waxaanu ahaa kii laga filyay xildhibaanadda golaha”.

Sidoo kale wasiiru dawlaha maaliyaddu, waxa uu dar-daaran u jeediyay dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo oo Jimcihii la soo dhaafay mudaharaad rabshado watay sameeyay, kuwaasi oo ku andacoonayay in aan laga wada bedelin lacagtii Giinbaarta ahayd. “Waxaa ummadda Somaliladn laga doonayaa wakhtigii shaqaaqooyinku wuu dhamaaday, wakhtigii anniga ayaa reer hebel ah la odhanayay way dhamaatay, waxaan si gaar ah ula hadlayaaa dadka reer Sanaag, waxaanan leeyahay salaadiin iyo cuqaaliba way joogtaa, waa in laga waantoobo waxyaabaha qaarkood, maalin walba wasiiro Hargaysa laga soo diri maayo, waa in laga koro arrintaasi. Waxaa la diinka baahan yahay in aad ka ahwl gashaan danaha dadkiina iyo dalkiina”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com