Alshabab: Kiiniya Waxay Hawlgalkii U Isticmaashay Sun Si Hawsha Loo Afjarro

0

alshabaabMuqdisho(AGGM) Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu soo gaba gaboobay howl galkii afar maalmood ka socday Suuqa Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, halkaasoo Sabtidii ay xoog ku galeen xoogag hubeysan oo taabacsanaa.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweynaha Kenya uu ku dhawaaqay inay soo afjareen howl galkii ka socday Westgate, oo ay ku dileen shan ka mid ah dableydii hubeysneyd ee dhismaha ku jiray.

War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu qoray bogga Twitter iyo baraha Internet taageera ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya oo taageera ka helaya ciidanka Israa’iil ay bur buriyeen dhismaha Westgate, kadib markii ay sun u adeegsadeen howl galka sidii ay ku soo afjari lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu guuleystau howl galkii Westgayee, isla markaana tobaneeyo la heystayaal ah ay ku dhinteen dhismaha saacadihii u dambeeyay ee howl galka.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in kenya oo kaashaneysa dowladaha reer galbeedka ay sun kiimiko ah ku buufiyeen dhismaha, taasoo keentay in saxaafada qeybaheeda kala duwan laga mamnuucay inay ku dhowaan sida lagu yiri qoraalka. Meydadka dadkii ku dhintay dhismaha ayaa laga daad gureynayaa oo ah 135 ka mid ah maxaabiistii ay gacanta ku hayeen intii howl galka socday, kuwaasoo jirkooda gubtay.

“137 ka mid ah maxaabiistii ay gacanta ku hayeen Mujaahidiinta ayaa meydadkooda oo gubtay laga daad-gureynayaa bur burka dhismaha Westgate, ciidanka Mujaahidiinta oo goobta ku shahiiday ayaa mar hore goostay inay aakhiro u hayaamaan, waxaa kahqaasay waa Kenya”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay Twitter-ka.

Dhinaca kale waxaa maanta ka bilowday guud ahaan dalka Kenya saddex maalmood oo baroor diiq ah oo xalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo la dejinayo calanka dalkaas leeyahay. Saddex dabaq oo dhismaha ah ayaa gebi ahaanba duntay, iyadoo bur burka hoostiisa ay ku jiraan tiro meydad ah oo la rumeysan yahay inay ku jiraan la heystayaashii iyo nimankii dableyda ahaa.

Ugu dambeyntii Ilaa iyo hada ma jirto wax faah faahin ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan howl galkii u dambeeyay ee ciidamada Kenya iyo kuwa gaarka ah shalay ka fuliyeen dhismaha Westgate, iyadoo ay wali adag tahay in dhismaha laga helo warar xaqiiqa ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com