Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Xaruntooda Baarlamaanka

0

jeylaani-ii-kara-620x330Muqdisho(AGGM) Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka waxay kaga doodeen mooshin ay Xildhibaannada Qaarkood horey ugusoo gudbiyeen oo la xiriira in xubin xubin codka Kalsoonida loogu qaado xubnaha Wasiirrada,Wasiirudowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada

Kulankaani oo uu shirguddoominayay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxa ugu horeyn warbixin ku saabsan mooshinkaasi lagu soo kordhinayo xeer hoosaadka baarlamaanka ay mudanayaasha ka dhageysteen Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii mooshinka soo gudbiyya, waxaana uu sheegay in mooshinkaasi ay soo gudbiyeen uu ku qotomo sidii xeer hoosaadka baarlamaanka loogu dari lahaa in xubin xubin codka Kalsoonida loogu qaado xubnaha Wasiirrada,Wasiirudowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada

“Waxaan si xushmad leh kuugu soo gudbineynaa mudane mooshinkaan oo aan rabno in lagu darro xeer hoosaadka baarlamaanka baarlamaanka, si ay tani u noqoto mid sharci ah” ayuu Xildhibaan Mahad hadalkiisa ku daray.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa intooda badan waxa ay sheegeen inay taageersanyihiin mooshinka ay mudanayaasha qaar soo gudbiyeen, kuwaasi oo guddoonka baarlamaanka ka codsaday in codka kalsoonida ah loo qaado mooshinka.

Gabo gabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay Mudane Jeylaani Nuur IIkar  guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo isagu kulankii maanta shir guddoominayay, waxaana uu sheegay in mooshinkaasi aysan xildhibaannadu cod u qaadi Karin, maalinta berito ahna loo qaadayo codka kalsooni siinta mooshinkaasi.

“Waxaad ogtihiin in furitaankii shirka ee saakay ay soo xaadireen 161 Mudane, hadana waxaa fadhida 107 xildhibaan, sidaas awgeed ma codeyn karno si loo helo kooram buuxa, berito ayaan ka dhiganeynaa, waayo in aan sharciga ilaalino waaye oo kooram buuxa aan codka ugu qaadi karno, shirkana wuu noo xiranyahay” ayuu Guddoonka shirka hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay

Ilaa 20 mudane oo baarlamaanka ka mid ah ayaa soo diyaarisay mooshinka ku saabsan in xeer hoosaadka baarlamaanka ah lagu darro, kaasi oo dib loogu dhigay maalinta berito.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com