Weerarki West Gate Oo Maalintii Afraad Galay & Argagixisada Oo Laga Awood Badin Waayey

0

70069708_70068787-225x145Nairobi(AGGM) Xaalad cakiran ayaa wali ka jirta dhismaha Westgate Mall, halkaasoo maalintii afaraad howl gal uu ka socdo, markii Sabtidii ay gudaha u galeen Islaamiyiin mayal adag oo weeraro dhimasho badan dhaliyay iyo dhaawac fara badan ka geystay dhismahaas oo ahaa suuq ganacsi.

Ciidamada Kenya oo ay taageerayaan Ciidamo gaar ah oo ka socda Mareykanka, Faransiiska, Britain iyo Israa’iil ayaa wali la hardamaya dableyda hubeysan ee dabaqa afaraad saaran, iyadoo la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo gudaha dhismaha ka dhacayay tan iyo shalay.

Howl galka ay qaadeen ciidamada Kenya ayaa waxay ku sheegeen inay maanta oo Talaado ah ku soo afjarayaan, isla markaana dableyda hubeysan ay ku dhuumaaleysanayaan dhismayaal aad u adag.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in xalay ay dileen ilaa lix ka tirsan maleeshiyaadka hubeysan, iyadoo shalay Wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu sheegay inay la wareegeen dhamaan dhismaha, ayna dileen labo ka mid ah dableyda.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Mas’uuliyiinta Kenya oo ku aadan howl galka, waxaana mas’uuliyiinta qaar u muuqdaan kuwo aan iska war heyn, hadaladooda ay is burinayaan, marka loo eego sida ay wax u socdaan iyo xaalada Westgate oo wali ah mid aanay fari ka qodneyn.

Dhismaha ayaa wali waxaa ka baxaya qiic, inkastoo saraakiil u hadashay Kenyan ay sheegeen inay gubeen dableyda alaabaha ku jiray baqaarada suuqa ganacsiga Westgate, inkastoo la sheegayo in rasaasta iyo qaraxyada gudaha ka dhacayay ay sababeen inuu dab qabsado qeybta ganacsiga ee la yiraahdo Nakumatt Stores.

Ciidamada kala duwan ee Kenyatiga sida Milateriga, Booliska, Nabadsugida ayaa xarunta aad u buux dhaafiyay, kuwaasoo gebi ahaanba dhismaha ku hareereysan, iyadoo ay adag tahay in la helo macluumaan ku saabsan waxa ka socda dhismaha.

Ilaa 62-ruux ayaa ku dhintay weerarka Westgate, halka 175 kalena ku dhaawacmeen, inkastoo Bisha Cas ay sheegeyso in tirada dhimashada intaa ka badan tahay, dhaawacuna uu caga cageynayo 200-ruux.

Dadka Kenyanka iyo Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa bilaabay inay dhiig u shubaan dadka ku dhaawacmay weerarka Westgate ee ku jira Isbitaalada, waxaana boqolaal dad ay safaf ugu jireen sidii ay dhiigooda u bixin lahaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com