Dhageyso: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kiiniya Oo Sheegtey In West Gate Argagixiso Calami Ahi Ku Jiraan

0

BIjDCVhCEAAcVogNairobi(AGGM) Wasiiradda Arrimaha dibedda dawlada Kiiniya Marwo Aamina Maxamed Jibriil oo ka hadashay Weerarada Maalintii afraad ka socda Xarunta Ganacsiga ee West gate aya daboolka ka qaaday inay wadanka Kiiniya ku soo duuleen Argagixiso calami ahi isla markaasna waxay sheegtey inaysan awood noocaas oo kale ah yeelan karin kooxda Alshabab ee ka dagaalanta gudaha soomaaliya.

Marwo Aamina Maxamed Jibriil waxay hoosta ka xariiqday inaysan Alshabaab tababar heerkaas gaarsan aysan lahayn Xoogaga Alshabaab isla markaasna kooxdan xoogga ku haysata West Gate Nairobi ay yihiin kooxo Argagixiso calami ah oo wadamo kale ka soo duulay.

Sidoo kale Aamina Waxay shaacisay in sheegashada Alshabaab ee weerarkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin isla markaasna ka mid ah beenta ay sheegtaan,waxaana ay sheegtey in kooxdan dagaalamaysa ay yihiin koox heer calami ah isla markaasna tababar aad u sareysa Qaba waxayna sheegtey inaysan Alshabaab awood noocaas oo kale ah lahayn.

Aamina waxay shaacisay in Alshabaab iyo Alqaacida ay isku biireen  bilowgii sanadkii 2012 isla markaasna aysan alshabaab heli karin tababar noocaas ah mudada yar ee ay ka mid ahayeen Al-Qaacida,waxayna sheegtey kooxdan ay tahay Al Qaacidada weyn ee caalamka dhibaatada lixaadka leh ku haysa.

Ugu dambeyntii hadalkan waxaa uu imaanayaan xilli ay maalintii 4-aad kooxda Argagixisada ahi ay haystaan Xarunta Ganacsiga ee WEst Gate Mall halkasi oo laga saari la yahay isla markaasna ay wali ka dagaalamayaan iyagoo kooxdaasi ay wali muujinayaan inay awoodoodi mileteri tahay mid taagan.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WAREYSIGA-AL-JAZEERA-AY-LA-YEELATAY-WASIIRKA-ARIMAHA-DIBADA-KENYA-AAMINA-MOHAMED.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com