Muqdisho(AGGM)Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgallo dhul balaarsi ah oo ay ka bilaabeen duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay kula wareegeen deegaanka biyo cadde.
Kornayl Maxamed Maxamuud Xuseen Garabeey oo la hadlay Allgalgaduud ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanka biyo cadde oo qiyaastii 40, KM dhanka koonfureed kaga beegan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe, halkaasi oo uu tilmaamay in ay ka saareen maleeshiyaadka Al shabaab.
Maxamed Garabeey ayaa xusay in dhankooda uu hal askari kaga dhaawacmay halka maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al shabaab ay ka dileen 3 maleeshiyo, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka carareen meydadkooda, isagoo intaa ku daray in deegaanka ay ka wadaan howlgallo sifeyn ah oo ay ku baarayaan haraadiga ay shabaabku meesha uga carareen sida waxyaabaha qarxa iyo hubka ay ka tegeen.
Kornaylka ayaa daboolka ka qaaday in goobta ay la wareegeen ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyaad uu horkacayay horjooge kabo kudukade, kuwaasi oo isaga cararay markii ay ciidamadu deegaankaasi si xoog ah kula wareegeen.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegeen deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe, kadib markii ay meesha ka saareen deegaannadii ay horey ugu sugnaayeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com