Qaraxyo & Rasaas Xoogan Oo Ka Socda Xarunta West Gate Galabta

0

kenianische-soldaten-vor-dem-westgate-einkaufszentrum-in-nairobiNairobi(AGGM)Ciidamada Kenya ayaa sheeganaya inay la wareegeen dhismaha Westgate Mall, halkaasoo howl gal maalintii afaraad galay uuka socdo, iyadoo xaalada goobta ay tahay mid cakiran. Qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa dabaqa afaraad ee dhismaha, halkaasoo ay isugu tageen dableydii hubeysneyd.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay xaqiijiyeen ammaanka daarta koowaad, labaad iyo saddexaad oo ay ciidamadooda ku sugan yihiin. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in dhismayaasha qaar miinooyin lagu xiray oo ay ka fur fureen, waxaana saraakiisha ay xaqiijiyeen inay ku jiraan dadaalkii u dambeeyay ee ay kaga sifeynayaan Mintidiinta weeraray.

Al-Shabaab ayaa fariin ay soo dhigtay barteeda cusub ee Twitter ku sheegtay in wali dagaalayahanadeeda ay ku sugan yihiin, ayna iska caabinayaan weerarada ka imaanaya Ciidamada Kenya iyo ciidamada ajnabiga ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in dabaqa afaraad iyo 3aad laga helay tiro meydad ah, iyadoo lagu wargeliyay isbitaalada inay u diyaar garoobaan.

Hey’adda Bisha Cas ayaa sheegay in dhimashada ay kor u dhaafayaan lixdan, halka labo boqol kalena ay dhaawac yihiin, waxaana la la’yahay 50-kale oo la rumeysan yahay in dhismaha ku jiraan. Wasiirada Arrimaha dibada Kenya Amina Mohamed ayaa sheegtay in kooxaha weerarka ka dambeeyay ay ka soo jeedaan dalalka Mareykanka iyo Britain, sidoo kale Haweeney British ah ayaa la sheegayaa inay ku lug leedahay weerarkan.

Ugu dambeyntii howl galka maalintii afaraad galay ayaan wali u muuqan inuu soo afjarayo xiisada ka taagan Xarunta Ganacsiga Westgate, halkaasoo dableyda hubeysan ay ku sugan yihiin oo ay ka dagaalamayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com