Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeyey Ee Xaaladda West Gate Ee Maanta

0

70069708_70068787-225x145Nairobi(AGGM) Rasaas ayaa maanta mar kale laga maqlay dhowr jeer gudaha dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi, saacado un ka dib markii saraakiisha amaanka Kenya ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen maamulka dhismahaasi oo ay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay xoog ku heysteen dagaalyahanno islamiyiin ah oo al-qacida lala xiriiriyay.

Rasaasta ayaa la maqlayay saakay waaberigii maanta oo talaada ah goobtaasi loo adeegga tago ee Westgate ee bartamaha magaalada Nairobi, waxaa hadana mar kale rasaas kale laga maqlayay goobtaasi sadex saacadood ka dib rasaastii hore. kooxda al-Shabab ayaa sheegtay in weli ay ku suganyihiin gudaha dhismaha oo aan laga saarin.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay gelinkii dambe ee Isniintii shalay in ciidamada amaanka Kenya ay dhismahaasi weyn qeyb qeyb u hubinayeen si ey u ogaadaan hadii ay jirto cid weli ku dhex jirta, iyo in dhamaan dadkii la heystayaasha ahaa dhamaantood la badbaadiyay. Dowladda Kenya waxey sheegtay inuu soo gabagaboobay howlgalka qeybtii baacsiga hadana sifeyn ay ku jiraan iyo hubin.

Ilaa iyo 62 qof ayaa ku dhimatay weerarkan oo soo bilowday Sabtidii la soo dhaafay markii rag hubeysan ay xoog ku galeen xaruntan ganacsi ee aadka u mashquulka badneyn. Israsaaseyn dhex martay raggan iyo ciidamada amaanka iyo kooxdan ayaa waxaa ku dhintay sadex ka mid ah raggii hubeysnaa ee dhismaha qabsaday waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo kale. Masuuliyiintu waxey sheegayaan inay soo xireen ugu yaraan 10 qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weerarkan.

Hadaladii ugu Dambeeyay ee al-Shabab Iyo Kenya

Kooxda Mintidka ah ee Somalia ee al-Shabab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay masuul ka yihiin weerarkan. Saraakiisha Kenya ayaa sheegaya inay iyana aaminsanyihiin in dagaalyahanadda weerarkan fuliyay ay ka soo kala jeedaan dhowr wadan. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Amina Maxamed ayaa u sheegtay warbaahinta in laba ilaa iyo sadex muwaadin oo u dhashay mareykanka oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia ama dalalka Carabta iyo muwaadin u dhashay dalka Britain ay ka qeyb qaateen weerarkan.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad oo la yirahdo  Ben Rhodes ayaa sheegay in Mareykanka uu mudda dheerba walaac ka qabay Kooxda al-Shabab ee Somalia oo askareyn iyo tashkiilin ku heysay dhalinyarada Mareykanka sidii ay dagaalada Somalia uga qeyb qaadan lahaayeen, iyo in dowladda ay baaris ku heyso wararka sheegaya in muwaadiniin Mareykan ah ay ku lug leeyihiin weerarka dhismaha Westgate.

Wararka la xiriira heybta ama dhalashada kuwa weerarkan geystay ayaa la iska dhex marayaa. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dhamaan dadka weerarkan ka qeyb qaatay ay yihiin rag, laakiin qaar ka mid ah ay sidii dumarka oo kale u soo labisteen. Inkastoo Joseph Ole Lenku uu sidaasi sheegay, ayaa mid ka mid ah saraakiisha sir doonka ee Kenya iyo laba ka mid ah askarta Kenya ee howlgalka ciidamada ay ka wadaan dhismahan ka qeyb qaadanaya, waxey u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in mid ka mid ah mintidiinta lagu dilay howlgalka ay aheyd haweeney cadaan ah.

Hadalkan ayaa xoojinaya ku tiri ku teen la isla dhex maryay oo aheyd in qofka dumarka ee cadaanka ah ay aheyd haweeneydii uu ka dhintay mid ka mid ah ragii fuliyay qaraxyadii bambaano ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhigga tareenka dhulka hoostiisa mara ee magaalada London ee dalka Britain sanadii 2005tii, weerarkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof .

Ugu dambeyntii haweeneydan oo ay warbaahinta Britain ugu yeerto “Carmalkii Cadaa”  oo magaceedu yahay Samantha Lewthwaite ayaa loo doon doonayaa tuhun ah inay ku lug laheyd shirqool la doonayay in lagu weeraro hoteello iyo makhaaxiyo ku yaala dalka Kenya.

Halkan Ka Dhageyso:

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/09/24/c78b007b-08fc-4e75-a6f6-8e687f53f640.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com