Canada: Gacan Baan Ka Geysaneynaa La Dagaalanka Argagixisadda Caalamka Dhibtey

0

CanadianFlagLondon(AGGM)Dowlada Canada ayaa sheegtay inay gacan ka geysaneyso la dagaalanka argagIxisada Geska Afrika xilli wadamo badan oo gobolka ah ay dagaal kula jiraan kooxada Al Qacida.

Warkan oo ay daabacday wakaalada wararka Canada oo loo yaqaano Canadian Press ayaa lagu sheegay in dowlada Canada ay qeyb ka tahay wadamada haatan ka walacsan qatarta argagixisadu ku heyso  gobolka Geeska Africa iyo caalamka intiisa kale.

R/wasaaraha dalka Canada Stephen Harper ayaa ka dhawaajiyay in dowladiisu ay kaalin mug leh ka qaadanayso gulufka colaadeed ee lagula jiro kooxaha Shabaab ee ku sugan Somalita,  kuwaasi oo falaal argagixiso ka fuliya wadamada deriska la ah Somaliya.

‘’Dowladena waa dowlada liiska argigixsada iyo dadka la doon doonayo ku dartay kooxda Shabaab waana la shaqeynaynaa wadamada Africa ee Soomaaliya deriska la ah,  si looga hortago qatarta Alqaacad’’ ayuu yiri  R/ wasaaraha dalkaasi Canada Stephan Harper .

Mas’uuliyiinta dowlada Canada ayaa sheegay in labo ka maid ah muwaadiniinteeda ay ku geeriyoodeen werarkii argagixiso ee magaalada Nairobi.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkan imaanayaa xilli kooxda Ashabaab oo ka mid ah Argagixisada caalamku ay shacab badan oo aan waxba galabsan ku dileen magaalada Nairobi,waxaana ay dhaawaceen in ka badan 200 ruux kuwaasi oo qaarkood xaaladooda caafimaad tahay mid liidata.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com