Amb Amerika Oo Sheegay Inaysan Saameyn Ku Yeelan Doonin Dhacdadani Soomaalida Islii

0

ameerikoNairobi(AGGM) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo la hadlay warbaahinrta Soomaalida ayaa sheegay dhacdadii ka dhacday suuqa Westagate ee magaalada Nairobi in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin Soomaalida ku dhaqan wadan Kenya, isagoo sheegay dowladda Kenya in ay ka warhso dhibaatada argagaxisada ay u geysanayaan dadka ku dhaqan wadamada gobolka.

Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameriko) Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta  wadanka Kenya ay u gurmadeen markii ay mashaqada ka dhacday suuqaasi, waxaa uu tilmaamay inay ku tabaruceen haday yihiin Soomaalida halkaasi joogta Dhiigooda, iyo inay iska uruuriyeen Raashin ay ku caawinayeen dadka ku howlanaa howlgalka ka dhanka ah aragagaxisada ku jirtay Suuqaasi.

Ambassador Amerika ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay marka dhacadadaasi ay ka dhacday Suuqa Westagate inuu u tagay madaxweynaha Kenya Uhura Kenyata islamarkaana uu ugu tacsiyeeyay dhacdadaasi, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu u sheegay dadka argagaxisada ah in dhibaato ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo wadamada geeska Afrika.

Madaxda Ugu sareysa dalka ayaa intii uu howlgalka lagula dagaalamayay argagaxisada ku jiray Suuqa Westagate ee magaalada Nairobi tacsi warbaahinta u mariyay Shacabka iyo Dowladda Kenya oo ku aadan mashaqadaasi, iyadoo sidoo kale qadka teleefoonka ugu tacsiyeeyay madaxda wadankaasi uu ugu horeeyo madaxweynaha wadanka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com