Nairobi(AGGM) Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalka ay ka wadaan West Gate Mall oo maalintii 4 aad gacanta ugu jira ka dib markii ay la wareegeen maalinimadii sabtidii,waxaana Alshabaab sheegeen inay hawlgalkoodu uu wali si xawli ah u soconayo isla markaasna ay ciidamadoodu wali gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ka tirsan suuqa ganacsiga.
Kooxda Alshabaab oo laga xirey Twitter-ro tiro badan ayaa sameystey koodii ugu dambeeyey,waxaana ay soo dhigeen qoraal kaasi oo ay ku muujinayeen inay wali gacanta ku hayaan Goobta ganacsiga ee Wesr Gate iyagoo sheegay in wali ciidamadoodu ay si buuxda gacanta ugu hayaan lahaystayaal badan.
Sidoo kale Alshabaab waxay shaaciyeen in hawlgalka maalintii afraad socda looga dilay 2 askari oo ka tirsan ciidamadooda oo ay ku tilmaameen shahiidiin,waxaana ay sheegeen inay inta harsan sii wadi doonaan hawlgalladda ay ka wadaan goobta gacanta ugu jirta,waxaana ay shaaciyeen in ciidamadoodu ay halkaasi ku jiri doonaan ilaa kan u dambeeya ka dhimanayo.
Dhinaca kale dawlada kiiniya ayaa shaacisay inay dileen ilaa lix askari oo ka tirsan Alshabab isla markaasna ay u harsan yihiin xarunta laba ama saddex askari oo kale kuwaasi oo dawlada kiiniya ku tilmaamtay in ciidamadeeda mileterigu la xarbinayaan sidii kooxdaas loo dili lahaa ama nolosha loogu qaban lahaa.
Ugu dambeyntii hawlgalkan ayaa qaatay maalmo badan marka loo eego tiradda ciidamada Alshabab ee meesha galay iyo quwadaha isugu yimi meesha ee doonaya inay ka soo furtaan la haystayaasha,waxaana lagu wadaa in hawlgalkan soo afmeero saacadaha soo socda inkastoo aan la aqoon waqtiga uu qaadan doono.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com