Dhageyso:Dagaalka Westgate Oo Galay Xilli Habeenimo Ah & Argagixisada Oo Qaar Laga Dhaawacay

0

70069708_70068787-225x145Nairobi(AGGM) Weerarka ka socda Xarunta Ganacsiga ee WESTGATE ayaa ah mid wali sidii u sii socdda,waxaana wali kooxaha afduubka ku haystaa la haystayaasha & ciidamada dawlada kiiniya oo garabsanaya ciidamo wadamo kale ahi ku dagaalamayaan gudaha Xarunta iyadoo aysan wali labada dhinac ku kala bixin gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah dabaqa sare ee Xarunta Ganacsiga.

Wariyeyaasha banaanka ku sugan oo ay warbaahinta Allgalgaduud xiriir la sameysay ayaa u sheegay in weerarkan uusan wali far ka qodneyn isla markaasna ciidamada dawlada kiiniya iyo kuwa garabka siinaya aysan wali si dhab ah uga guuleysan kooxda weerarka soo qaaday oo aan la ogeyn meesha ka keeneen hubka ay wali ku dagaalamayaan.

Qiic, holac iyo Uuro madow ayaa wali ka baxaya dhismaha, waxaana muuqata in aanay wali soo gaba gaboobin howl galka, ciidamadana ay la hardamayaan dableyda hubeysan oo qolol ka mid ah dabaqa afaraad ku jira. Wariyeyaal ku sugan meel ku dhow Westgate ayaa soo sheegaya in ilaa 20-qarax laga maqlay gudaha dhismaha saacadihii u dambeeyay, waxaana goobta wali tahay mid cakiran oo ay wali adag tahay in warar rasmi ah laga helo.

Howl galka ay qaadeen Ciidamada milateriga Kenya iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa wehliya ciidamo ajnabi oo ka mid ah dalalka reer galbeedka, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka lagula jiro dableyda ku sugan xarunta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhismaha Westgate Korontadii laga jaray, lana damiyay Matoorkii dabka siinayay, sidoo kale waxaa la jaray Adeegii Isgaarsiinta iyo midka Internet-ka, si aanay dableyda wax xiriiro qadka taleefanka iyo Internet-ka aanay u sameyn.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka bilowday Sabtidii, iyadoo Afhayeen u hadlay uu goor sii horeysay sheegay in aanay wax wada hadal ah ka galeyn dadka ay heysteen, waxaana ay ku hanjabeen hadii culeys la soo saaray inay leynayaan dadka ay heystaan. Ilaa 68-ruux ayaa ku dhintay weerarkan, halka 175-kalena ku dhaawacmeen, inkastoo Hey’adda Bisha Cas ay sheegeyso in qasaaraha uu intaa ka badan yahay.

Ugu dambeyntii waa weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca Kenya tan iyo sanadkii 1998-dii, xilligaasoo qaraxyo ay ka dhaceen Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof.

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/09/23/71f509d6-e98c-4771-ba2b-8b63ed849f2f.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com