Uganda Oo Adkaysay Xadka Ay La Wadaagto Wadanka Kiiniya

0

11981052-ugandan-flag-in-the-wind-part-of-a-seriesKampala(AGGM) Dowlada Uganda ayaa adkeysay ammaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Kenya iyadoo maalintii Sadexaad ay kooxo argagixiso ah ku jiraan xarun ganacsi oo ku taala Nairobi.

Ciidamada booliiska Uganda ayaa galay geejignaan adag oo sare loogu qaadayo la socodka ammaanka dalkooda iyadoo wali dalka deriska la ah ee Kenya uu ka socdo howlgalka lagula dagaalamayo kooxo argagixiso Shabaab ah oo galay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda ayaa sheegay iney taxadar dheeraad ah siinayaan u kuurgalka xaalada ka taagaan magaalada Nairobi oo maalintii Sadexaad ay ka socoto howlgallo lagu soo afjarayo afgagixisada gashay suuqa Westgate.

Dhaqdhaqaaqyada ciidamada Booliiska Uganda ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka isaga talaaba xuduuda Uganda iyo Kenya ee aan heysan Baasaboorka dalalka Africada bari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com