Muqdisho(AGGM) Siyaasiyiin Mareykan ah ayaa ku baaqay in feegijnaan dheeraad ah laga muujiyo khataraha kooxaha Shabaab maadaama ay sheegteen weerarkii ka dhcaya Kenya kaasi oo dadkii ku wax yeeloobay ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah.
Beter Kin oo ah gudoomiyaha gudiga aqalka wakiilada ee arimaha argagixisada iyo sirdoonka ee dowlada Mareykanka ayaa sheegay in ilaa iyo Labaatan ruux oo muwaadiniin Ameerican ah ay haatan ka barbar dagaalamayaan maleeshiyaadka Shabaab.
‘’waa koox khatar badan una tababaran iney fuliyaan falal guracan waana kooxda kaliya oo iyagu xiriirka la leh alqaacida gudaha dalka Mareykankana waxey ka fuliyaan falal ad u xun iyo iney qaldan dhalinyarada’’ sidaana waxaa yiri Beter Kin oo la hadlay Telefishinka ABC.
Hadalka ka soo yeeray siyaasigaasi Mareykanka ah ayaa imaanaya xilli ay socdaan maalintii Sadexaad howlagalo ay ciidamada dalka Kenya ku soo badbaadinayaan kooxo argagixiso ah oo tiro dad ah afduub ugu heysta suuqa westgate ee magaalada Nairobi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com