Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Geneve:-Warsaxaafadeed+Sawirro

0

IMG_06261Geneva(AGGM)Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigii uu hogaaminayay oo xalay soo gaaray magaaladda Geneve ee dalka Switzerland ayaa ka qayb-galaya shirka kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo barri ka furmaya xarunta Golaha Xuquuqul Insaanka Q.M ee Genève.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka magaaladda Geneve ee dalkan ku soo dhaweeyay mudane Amadeo Perez oo ah Safiirka Switzerland u fadhiya Xarunta Q.M ee Geneve, Mudane Jean-luc Chopard oo ah madaxa qaybta hab-maamuuska Jam-huuriyadda Geneve ee Switzerland, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Q.M ee Geneve Mudane Yusuf Bari-bari iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa ay maanta kulamo gaar gaar ah oo hor-dhac ah la wadaagayaan mas’uuliyiin iyo qaar kamid ah madaxda ka qayb-galaya kulanka bari ka furmaya Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneve.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka jeedin doona kulanka khud-bad dheer oo ka hadli doonta xaaladda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo horu-maradda ay dawladdu ku talaabsatay muddada ku dhow sanadka, gaar ahaan dadaalka ay ku bixisay dhowrista xuquuqda haweenka iyo ka hortagga dilalka loo gaysto wariyayaasha iyadoo shirkan ay kasoo qayb-galayaan wakiillada dhamaan dawladaha xubnaha ka ah golahan, hay’ado caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid“ uu ku dhawaaqay  August 27-keedii 2013 in ay xukuumaddiisu u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliyeed kadib kulan lagu soo bandhigayay khariiradda geedi socodka xaquuqda Aadanaha, iyadoo kulankaasi uu goob-joog ka ahaa wafdi heer caalami ah oo uu hor-kacayay khabiirka madaxa banaan ee Arrimaha Xaquuqul Insaanka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari.

Shirkan waxaa sidoo kale sanadkan kasoo qayb-galaya wakiilka gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholes Key, Ergeyga Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Saalax Al-Nadiif iyo madax kale.

—DHAMAAD—

IMG_0627IMG_0627IMG_0659IMG_0664IMG_06261