Prof Samatar “Somaliland Dadkeedu Inaanay soo daba Joogsanayn Xasan Sheekh mar hore ayay Go’aan ka Gaadheen”

0

Prof.-Samatar-300x225Hargeysa(AGGM) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ugu baaqey kooxda Khaatumo in ay u soo noqdaan dalkooda iyo dadkooda oo ay wax la qabsadaan Somaliland, kana qeyb qaataan tartamadda loo gelayo hoggaanka dalka.
Prof. Samatar, waxa uu sidaasi ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishanka Somsat, waxaanu ku booriyay in gacmaha la is qabsado oo hore loo sii mariyo Somaliland.

Prof. Axmed Ismaaciil , isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay Siduu u arko cabashadii Khaatumo ee shirkii Brussels, waxa uu yidhi “ Reer khaatumo waxaan odhan lahaa oo kula talin lahaa soo noqda aynu wada dhisano Somaliland aynu dooda wadagalno wixii dib loo xalaalaynayo aynu dib-u-xalaalayno idinku madax ka noqda oo tartanka la galayo ka qaybgala, way soo bislaanaysaa Somaliland siyaasadeedu in la wada leeyahay ceeri-gaabo, Ceelaanyo, Saylac ilaa laascaanood in la wada leeyahay way soo bislaanaysaa tartankii ayaa la galayaa soo noqdoo tartanka ka qaybgala aynu gacmaha isqabsano aynu dhisno (Leadership) hogaan Somaliland geeya meel aanay imika joogin oo intan ka weyn ummadda kalena (Soomaaliya) hilaac u noqata la soo hiigsado.”

Prof. Axmed oo la weydiiyay aragtidiisa shirkii Brussels iyo in ay jireen dad filayay inuu ka qeybgalo isaga oo u hadlaya Somaliland waxa uu ku jawaabay, “Horta anigu Somaliland waxaan u hadli karaa markaan ahay qof deegaanka ka yimid oo halkaa u dhashay oo danteeda guud intii ay kartidaydu tahay wanaageeda meeshii aan ka faafin karo ka faafiya, taasi waa igu waajib cidna fasax uga qaadan mayo, laakiin hadii wadanka Somaliland loo hadlayo dee waxa u hadli kara dowlada xalaalaysan ee dadku doorteen ee wakhtigan joogta amba dadka ay iyagu soo wakiishaan ee ay yidhaahdaan arrintaa nooga qayb-gala, dee anigu dowlada kama mid ahi imanay soo wakiilan markaa tagidaydu Brussels ma suurtagali kareyso, Laakiin Somaliland shirkaas kamaba ay soo qayb-galin, aniguna kulamaan taliyeen inay ka soo qayb-gasho, waayo Somaliland hadii ay shirkaas oo kale ka qayb-galayso waa inay uga qayb-gashaa iyada dadka madaxda u ah Somaliland iyo dadka madaxda u ah Soomaaliya ee Xasan Sheekh horsocdo in labadoodaa la soo casuumaa oo labadoodu ka qayb-galaan shirka sidii arrintaasi ay wax ugu darsan lahaayeen ee ay wax ugu qaybsan lahaayeen waxa halkaa la soo bandhigayo, taasi waa mid, laakiin Somaliland dadkeedu inaanay soo daba joogsanayn Xasan Sheekh mar hore ayay go’aan ka gaadheen inaanay wadadaa mareyn hadii dib layskugu soo noqonayo in dib loo sarifo waddadaa inay noqoto, laakin inay yimaadaan iyagoo kamida goboladaa kale taasi waa mid ay hore u diideen ana kulama taliyeen.”

Su’aal kale oo aheyd sida uu u arko in dhaqaalaha shirkii Brussels Denmark loo soo mariyo Somaliland waxa uu yidhi,
“Somaliland iyo dadkeedii waxay goosteen iskuna raaceen intoodii badnayd inay taariikhdoodii dib ugu noqdaan dantoodii ay dib ugu noqdaan ay adduunyada ka raadsadaan cidii ay la saaxiibi karaan ee wax la qaban karta, markaa Denmark haday noqoto wadanka afgartay ee yidhi anagaa wixii adduunyada ka yimaada ee Soomaali loogu tallo-galay badhkiina idiinka soo qaadeyna inta aad idinka iyo inta Xamar joogtaana is ogolaanaysaan dee taa anigu ma arko wax ceeba oo kujira, Denmark waxay ka mid tahay dalalka taageeraya Soomaalida ee deeqsinimadeeda wax ka bixinaya sidaas ayay u dhacdey ayaan anigu filayaa.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com