Madaxweynaha J.F Soomaaliya oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka

0

xasan-2Ohio(AGGM) Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka maraykanka ayaa gaaray gobolka ee Ohio ee dalka maraykanka halkaasi oo uu kula kulmay jaaliyadda soomaaliyeed kuu nool gobolkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay hotelka Hilton ee Ohio kula kulamy dad soomaaliyeed oo lagu qiyaasay ilaa 5 kun oo qof oo ka kala yimid gobollada dariska la ah gobolkasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay jaaliyada ayaa u sheegay inay muhiim tahay isku xirnaashahooda iyo midnimadooda, midnimadoona ay muhiim u tahay dadka iyo dalka soomaaliyeed marka ay midoobaana ay wax u qaban karaan dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada uu hogaaminayo ay xooga saareyso sidii dalka ay cadaalada ugu celin lahayd,hadii cadaalad daro ay jirtana aan nabad la heli Karin.

Madaxweynaha ayaa jaaliyada soomaaliyeed u sharaxay shirkii ka dhacay Brussles iyo waxyaabihii ka soo baxay,isagoo cadeeyay in lacagihii lagu yaboohay shirkaasi loo maamuli doono si ay ku qanacsanyihiin dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiin.

Jaaliyada ayaa madaxweynaha u soo jeediyay talooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen in dowlada ay dhisto ciidamada dalka si loo hanto nabdda dalka. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Ohio ee dalka maraykanka waxa uu la kulmi mas’uuliyiinta gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com