Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Baaqday Maanta

0

IMG_2693Muqdisho(AGGM) Qaban qaabada aaska Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan ayaa ka socota magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubeysan ay ku dileen xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir.

Marxuumka ayaa shalay la dilay wax yar kadib markii uu ka soo baxay Jaamacada Muqdisho, iyadoo dabley hubeysan oo watay gaari ay ku hor-gooyeen gaarigiisa, dabadeedna rasaas ku furay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka.

Ku simaha Madaxweynaha Prof. Jawaari ayaa sheegay in fadhigii Xildhibaanada baarlamaanka ay ku balansanaayeen saaka oo Isniin ah loo fasaxay aaska Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan ayadoo aaskana uu Gudoonka Baarlamaanka u saaray gudi gaar ah.

Ma ahan markii u horeysay ee lagu dilo magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, iyadoo sanadkii hore bilo kadib markii la doortay Baarlamaanka dabley hubeysan ayaa dilay Xildhibaan lagu magacaabayay Xaaji Mustaf oo ahaa sodoga Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com