Dhageyso: Dhaxalka Kiiniya Ka Heshay Galitaanka Gudaha Dalka Soomaaliya (Bbcsomali)

0

france-pulls-out-some-soldiers-from-mali-1365539128-1104Kismaayo(AGGM) Tan iyo intii Ciidamada dawlada Kiiniya gudaha galeen dalka soomaaliya waxaa sii xoogeysanayey dhibaatada ka dhacaysa gudaha dalka Kiiniya oo ay weeraro joogto ah ku qaadayaan kooxda Alshabaab,waxaana sidoo kale Alshabaab soo galitaanka ciidamada dawlada kiiniya ee soomaaliya hadda ka hor sheegeen inay dhibaato ka soo gaari karto shacabka reer kiiniya ee ku sugan gudaha dalka kiiniya.

Dawladda Kiiniya ayaa iyadu lafteedu shaacisay inaysan ciidamadeeda ka saari doonin gudaha dalka soomaaliya tan iyo intii Alshabaab weeraro joogto ah ku qaadeen magaalooyinka ka mid ah gudaha dalka Kiiniya kuwaasi oo ay ku dhibaateeyeen dad shacab ah oo badan,waxaana Alshabaab sidoo kale dhibaatooyin lixaad leh ka geysten Magaalada Nairobi.

Ugu dambeyntii Warbixin ay ka diyaarisay BBC-da laanteeda Afsoomaaligu ayaa lagu sheegay inay dhibaato baahsan dawlada kiiniya ka dhaxashay galitaankeeda gudaha soomaaliya,waxaana la sheegaya inay Boqolaal ruux ay ku dhinteen gudaha dalka kiiniya iyadoo ay ku dhaawaceen boqolaal kale ka dib markii Alshabaab weeraro ku qaadeen gudaha dalka Kiiniya.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WARBIXIN-BBCDA-AY-KA-DIYAARISAY-SOO-GELITAANKA-KENYA-IYO-WEERARKA-WESTAGTE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com