Alshabab Oo Wali Gacanta Ku Haya Westgate Nairobi

0

toosMuqdisho(AGGM)Rasaas ayaa laga maqlayaa dabaqa afaraad ee dhismaha Westgate Mall, halkaasoo Islaamiyiintii hubeysneyd ee Sabtidii la soo dhaafay galay ay saaran yihiin, waxaana ay goor dhoweyd ay rasaas u soo rideen banaanka dhismaha.

Afhayeen u hadlay Milateriga ayaa sheegay in afar ka tirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen howl galka, iyadoo qaar ka mid ah la heystayaashii ay bad baadiyeen, halka kuwa kalena wali afduub ahaan loo heysto.

Dhismaha Westgate ayaa waxaa ku gedaaman ciidamo fara badan oo ka socda qeybaha kala duwan ee laamaha amniga Kenya, iyadoo ciidanka ugu badan ay ka socdaan Milateriga dalkaas.

Goor sii horeysay ayaa qarax iyo rasaas xoog badan laga maqlayay gudaha dhismaha, cidna wax maka ogaan karto waxa ka socda gudaha, iyadoo dableyda hubeysan ay maalintii 3aad ku sugan yihiin dhismaha.

Inta la og yahay 68-qof ayaa ku dhintay, halka 175 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana isa soo taraya qasaaraha weerarkaas oo maalintii saddexaad galay.

Ilaa 10-15 dabley ayaa la sheegay inay ku jiraan dabaqa afaraad ee dhismaha, kuwaasoo dad afduub ahaan u heysta, waana mida adkeysay xaalada inay dhaqse soo afjaranto, iyadoo saraakiisha booliska ay xalay sheegeen inay soo afjarayaan howl galka, balse ay sii fogaatay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com