War Deg Deg Ah: Qaraxyo Xoogan & Rasaas Culus Oo Ka Socota Westgate

0

Breaking_NewsNairobi(AGGM) Waxaa xarunta Ganacsiga ee Westgate ee Magaalada Nairobi ka socota Qaraxyo aad u xoogan kuwaasi oo la aaminsan yahay inay fulinayaan kooxda Afduubka u haysata dad tiro badan oo isugu jira Ajaaniib iyo  dad u dhashay wadanka Kiiniya,waxaana la aaminsan yahay in ficilkan yahay xalkii u dambeeyey ee xaruntaasi.

Laba qarax oo xoogan ayaa la dhacay daqiiqado ka hor Xaruntaasi,,waxaana ku dhex dagaalamaya ciidamada dawlada kiiniya, Kuwa Israaiil iyo kuwa ka socda wadanka Britain,waxaana la aaminsan yahay inay halkaasi ka dhinten dad tiro badan oo labada dhinac isugu jira walow aan tirada dhabta ah la ahayn.

Dhinaca kale waxaa sii korortey dhimashadii waxaana la sheegaya inay hadda cago cageynayso in ka badan 70 ruux kuwaasi oo la sheegayo inay isugu jiraan dadkii geeriyooday maanta iyo shalay, walow aan hadda tiro rasmi ah la hayn,waxaana la aaminsan yahay in ilaa caawa ama beri tiradu sii kordhi doonto maadama dad kale oo badan gacanta kooxda argagixisada ah ku jiraan.

Ugu dambeyntii xarunta Westgate waxa ka socda dagaalo culus iyo qaraxyo xoogan kuwaasi oo saameyn baahsan ku yeeshay xaruntaasi,waxaana la sheegaya in wali laysku dhex bursanayo xarunta gudaheeda iyadoo la aminsan yahayn in kooxda meesha qabsatey ay qaraxo badan rideen daqiiqado ka hor.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com