Uhuru Oo Isagoo Murugeysan Shacabkiisa Kala Hadlay Weerarkii Argagixisnimo Ee Shalay

0

Uhuru-KenyattaNaiorbi(AGGM) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo indhihiisa ay murug aad u balaraan ka muuqato ayaa xalay la hadlay shacabka dalka Kenya,waxana uu wacad ku maray in ciidamada ay cagta marin doonaan kooxha argagixisada ah.

“Dowladeeda waxa ah u taagantahay in dalka ka difaacdo gardarada gudaha iyo dibadaba uga imaaneeyso,waxana ku boorinayaa dhamaan dadka eenyaanka ah in ay is garab istaagaan oo ay dhiig isugu deegaan waqtigan mugdiga ah,islamarkaana warbixino siiyaan mas’uuliyiinta dalka iyo ciidamada ammaanka”ayuu yiri Uhuru Kenyatta

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal balaaran oo ay uga jawaabaan weerarka,islamarkaana shacabka ay uga badbaadinayaan argagixisada.

“Laakiin ii ogolaada in ay cadeeyo  in aan ugaarsan doonaa kooxihii ka dambeeyay weerarkan meel kasta oo ay u cararaan,waana soo qaban doonaa,waana ku ciqaabi doonaa danbigan waxshinimada ah oo ay ka geeysteen”ayuu yiri madaxweyne Uhuru.

Madaxweynaha ayaa ka weeydiistay dadka kiinyaanka in ay u tacsiyaan dadka ay eheladooda waxyeeladu soo gaartay islamarkaana ay taageeraan dadka dhaawacmay ,isagoo sheegay in qaar ka mid ah eheladiisa ay ku dhinteen weeerarka lagu qaaday Westagte.

Wiil uu dhalay  madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa dadkii ka dukaameeysanayay xarunta Westgate ka hor inta uusan bilaaban weerarka,iyadoo madaxweynaha walaashiis Christine Wambui Pratt laga soo badbaadiyay xarunta wax ka yar ka hor inta uusan biilaaban weerarka.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah kooxihii weerarka ku soo qaaday Westgate,isaga oo dhaawac ah,waxana markii danbe uu ku geeriyooday isbitaalka.

Ammaanka magaalada xeebta ah ee mombasa ayaa si weyn loo adkeeyay ka dib weerarki argagixiso ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate oo ku taala magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya .

Weerarkan lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa waxaa ku dhintay 40 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof, waana weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee soo mara  taariikhda dalka Kenya marka la reebo weerarkii  argagixiso ee sanadkii 1998dii lagu qaaday safaaradii dowlada maraykanka ay ku lahayd magaalada Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com