Live U Daawo: Ole Lenku ” Dhimashadu 59 Ruux Bay Mareysaa Dhaawucuna 175,Walina Meeshi Way Ku Jiraan ”

0

Interior-Cabinet-Secretary-Joseph-ole-LenkuNairobi(AGGM) Wasiirk ka tirsan xukumadda Kiiniya oo ku sugan goobta hawlgalku hadda ka socdo ayaa daaha ka qaaday in khasaaraha dhimashada weerarkan 24 saac socda ay ku dhinteen in tiro gaareysa 59 ruux,Waxaana uu sheegay inay dhaawacu gaarayaan 175 ruux.

Wasiir Ole Lenku waxaa uu daboolka ka qaaday in kooxda weerarka soo qaaday ay tiradoodu tahay 10-15 ruux oo aad u hubeysan,waxaana uu sheegay inay ciidamada amaanku ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan in ka badan 1000 ruux,waxaana uu sheegay inay wali qaarkood ka dhex dagaalamayaan gudaha Westgate.

Wasiirku Ole waxaa uu daboolka ka qaaday inay Haweenay Hogaaminaysom kooxda weerarka soo qaaday isla markaasna ay amarka siineysay kooxda weerarka fulisay,waxaana uu sheegay in ciidamada amaanku ku tacaalayaan sidii ay gacanta kooxdaasi ugu dhigi lahayeen,waxaana uu shaaciyey in mid ka mid ah oo dhaawac ah la qabtey balse uu dhaawaciii u geeriyooday.

Wasiirku waxaa uu daboolka ka qaaday in wali kooxdaasi ay ka dagaalamayaa dabaqa 3 aad ee dukaamaysiga isla markaasna ay dad badan ku haystaan halkaasi laguna wado in laga soo badaadiyo saacadaha soo socda,waxaana uu sheegay in ciidamadu ay isweer ka hayaan wado kasta oo soo gasha meesha isla markaasna ku rajo weyn yihiin inay soo gebagabeeyaan hawlgalkaasi.

Dhinaca kale Musliimiinta ku dhaqan Wadanka Kiiniya ayaa weerarkaasi argagixiso si isku mid ah u cambaareyey isla markaasna ku tilmaamay inay aad uga xun yihiin uuna ka baxsan yahay weerarkaasi dhaqanka Islaaamnimadda,waxaana ay muujiyeen inay aad uga xun  yihiin weerarkaasi argagixisnimo.

Ugu dambeyntii Dawlada kiiniya ayaa cidamadeeda u dirtey gudaha wadanka Soomaaliya iyagoo la dagaalamay Alshabab balse Alshabaab waxay dhawr jeer wacad ku mareen inay gudaha wadanka Kiiniya ka geysanayaan weeraro culus iyadoo ay weeraradaasi qaarkood ka dhabeeyeen.

Live U Daawo


Live streaming video by Ustream

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com