Iyadoo shalay ay si wada jir ah shir jaraa’id u qabteen Labada horgal ee Jabhadda Raaskambooni u sacabo tuma laguna Magacaabo Maxamed Ugaas Xaashi & Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag waxay ku sheegeen in Beesha Sade iyagu ka masuul yihiin isla markaasna ay beesha Sade dhamaanteed tageersan tahay Jabhadda Raaskambooni.
Hadalkaas ka dib waxaa saacado ka dib Ciidamada Jabhadda Raaskambooni talaabo sharcigooda waafaqsan ka qaadeen gaari ay wateen ilaalada Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag kuwaasi oo ay mid ka mid ah dileen midka kalena dhawaac culus soo gaarsiiyeen,waxaana nimankaasi loo laayey sababta ay gaariga si xawli ah Magaalada Kismaayo gudaheeda ugu wadaan.
Maxamed Ugaas Xaashi oo shalay kulankaasi ka qayb galay ayaa la sheegay inuu halkaas ka sheegay inuu doonayo inuu beesha sade ee diidan maamulka Jubooyinka uu soo xero galin doono isla markaasna uu isagu masuul ka yahay iyadoo sidoo kale Jeneraal Fartaagna sheegay inuu isagu beesha Sade Maamulka Raaskambooni u matalo.
Sida la wada ogsoon yahay Maxamed Ugaas Xaashi waxa uu magaalada Kismaayo ku joogaa Xabsi ahaan, dhawr jeer oo u isku dayeyna Jabhadda Raaskambooni waxay ugu hanjabeen inay dilayaan hadi uu isku dayo inuu ka baxo Magaalada Kismaayo,waxaana ugu yaraan Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismayo laga soo celiyey in ka badan 3 jeer oo u safri laha Magaalada Nairobi.
Fartaag oo sheegta inuu yahay ku xigeenka Axmed Madoobe waxaa uu dhawr jeer ka badbaaday isku day dil iyagoo inta badan loo geysto aflaago iyo cago jugleyn, Waxaana marar badan si cad loogu sheegay inusan meesha ii fadhin ee uu tago tollkiisa fadhiya duleedka Kismaayo, balse waxaa uu fartaag ka jeclaaday inuu Axmed Madoobe hoos fadhiyo.
Ugu dambeyntii Ciidamada Jabahdda Raaskambooni waxay hadalka ka soo yeeray Labada Horgal ee Maxamed Ugaas Xaashi iyo Jeneraal Fartaag ugu jawaabeen ficil aad u wanaagsan kaasi oo ahaa inay dilaan ilaalada u gaarka ah Jeneraal Fartaag isla markaasan gaarigii ka qaadaan iyagoo mayd ah.
Halkan ka Dhageyso Warkii Shalay Ka Soo Yeeray Maxamed Ugaas Xaashi & Fartaag.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Iimaan-Rashiid-Gurra1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com