Dhageyso: Weerarkii Shalay Waxaa Ku Geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed

0

Nairobi1Nairobi(AGGM) Weerarkii shalay kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ku qaadeen Xarun ganacsi oo ku taala wadanka Kiiniya,waxaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday wiil soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay  Yaasiin Xirsi,waxaana la sheegay in markii weerarku dhacayey isaga iyo Xaaskiisa oo magaceeda lagu soo koobay Maryan ay ka dukaameysanayeen xaruntaasi.

Marxuumkan waxaa geeridiisa xaqiijiyey Safiirka soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameeriko,waxana u sheegay inuu Wiilkaas soomaaliga ahi ku geeriyooday weerarkaasi balse ay xaaskiisu ka badbaaday weerarkaasi,waxaana uu sheegay inaysan jirin cid kale oo Soomaali ah oo dhibaato weerarkaasi ka soo gaartey.

Ugu dambayntii wiilkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Shaqaalaha hay’daha Qaramada Midoobay ee saldhigoodu yahay magaalada Nairobi,waxaana la sheegaya inuu shaqeyn jirey Hay’ad lagu magacaabo Iida oo xarun weyn ku leh Magaalada Nairobi,waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso Magaalada Nairobi.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-IYO-WAREYSIGA-SAFIIRKA-OO-XAQIIJINAYA-GEERIDA-WIILKA-SOOMAALIGA-AH.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com