Dhageyso: Jabhadda Raaskambooni Oo Maanta Ku Dagaalamay Kismaayo Dadna Iska Dilay

0

Ahmed_Madoobe_Raaskambooni_Keydmedia_Kismaayo_-620x330Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskmoobi oo galabta ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimashadda 2 ruux oo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni iyadoo ay dhawaaceen shacab tiradooda lagu sheegay inay ka badan thaay 5 ruux kuwaasi oo ku sugnaa meesha weerarku ka dhacay.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii koox ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ay gaari tagsi ah ka dhaceen ruux magaciisa lagu sheegay Jaamac Yare oo ka mid ahaa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay halkaasi soo gaareen maleeshiyaad kale oo ka tirsan Raaskambooni oo u hiilinayey Ninka gaariga laga dhacay.

Goobtan weerarku ka dhacay ayaa ah nawaaxiga Shirkada Xawilaadda Dahabshiil,waxaana halkaasi ka qarxay iska hor imaad xoogan oo labada maleeshiyaad dhexmaray,waxaana la sheegaya inay halkaasi ku geeriyoodeen 2 ruux oo labada dhinac ka kala tirsan iyadoo ay dhaawacmeen shacab tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafeysay 5 ruux.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa ah kuwo dhaqanka ciidannimadu ay ka lunsantahay isla markaasna u bareera dhaca dhibaateynta shacabka Magaalada Kismaayo,waxaana hadda isku Mashquulsan iyaga laftooda kuwaasi oo kala dhaca gaadiidka ay wataan,waxaana talabaadaasi sababtey amaan darro baahsan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/goobjoge.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com