Dhageyso+Daawo:R/wasaare Saacid Iyo Wafdi Balaaran Uu Hogaaminayo Oo Saaka U Ambabaxay Magaalada Geneve Ee Dalka Swizerland.

0

dkMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ay saaka abaarihi 09.00 ka dhoofeen garoonka caalamiga ah ee Aden Cade International Airport ee magaalada Muqdiho iyagoo ku wajahan magaalada Geneve ee dalka Swizerland.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Saacid iyo Wafdigiisa ay magaalada Geneve kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Swizerland iyo madax kale oo ka tirsan caalamka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa shalay iyo maanta waxa ay daabacayeen in R/wasare Saacid uu iscasilayo markuu safarka ka soo laabto,  warkaas  ay daabaceen Warbaahinta ayaa ah mid aan waxba ka jirin oo dad gaar ahi ujeedooyin ka leeyihiin,  R/wasaare Saacid isma casilayo.

Isku soo wada duuboo R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Geneve ee dalka Swizerland galabta, beri subaxna kulamo la qaataan madaxda dalkaasi.

Dhageyso

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-XUKUUMADDA-RIDWAAN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

dk3

dk2

dk1

dk

asq3

asq2 asq

sai

asq5

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com