War-saxaafadeed: Digil Iyo Mirifle Oo Ku Dhawaaqay Maamul Goboleed In Laga Hirgeliyo Lix Gobol Iyo Jawaari Oo Taageeray:

0

top-newsBaydhabo (AGGM): Shir maalmahan uga socday degmada Baydhabo ayaa laga soo saaray maanta war-saxaafadeed ay u dhan yihiin Waxgaradka, siyaasiyiinta, cugaasha iyo qeybaha bulshada, iyadoo warmurtiyeedkaasi uu taageeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo shirka goob joog ka ahaa.

Prof. Jawaari oo khudbad ka jeediyay shirkan laga soo saaray War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Dowladda ay tixgelineyso isla markaana ay ixtiraameyso rabitaanka dadka ee doonaya iney maamul goboleed dhistaan, wuxuuna cod muuqda ku ayiday go’aanka kasoo baxay Digil iyo Mirifle.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ee Baarlamaanka ugu mid ah, iyadoo warmurtiyeedkan uu qeexayo in Lixda gobol ee Shabeellaha Hoose, Bay, Bakool, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo loo sameynayo Maamul Goboleed.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka shirka kasoo baxay

baydhabo-war Baydhabo-war2
bay3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com