Madaxweynaha J.S. Oo Kulamo La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada Mareykanka Khudbadna Ka Jeediyay Xarunta Wilson”Sawirro”

0

IMG_6482Washington(AGGM)Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Washington ayaa khudbad ka jeediyey xarunta Wilson, isagoo dhanka kale kulamo la qaatay mas’uliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo booqanaya dalka Mareykanka ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda sar sare ee dalka Mareykanka waxaana ka mid ah madaxdaasi xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Mareykanka John Kery.

Sidoo kale madaxda uu la kulmay madaxweynaha waxaa ka mid ah, la taliyaha amniga qaranka ee Mareykanka Susan Rice, waxaa kale uu la kulmay wasiirka amniga ee dalkaasi iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka dalkaasi.

‘’Safarkani wuxuu ahaa safar guul badan aanu ka gaarnay xagga kongareeska saaka hore ayaanu la kulanay Kith Eletson oo ah nin muslim ah oo laga soo doorto Menisota ahna nin aad Soomaalida u jecel, dalkana yimid beri dhaweyd, waxaan kaloon la kulanay Keri xoghayaha arrimaha dibada,  waxaanu tagnay Wilson Centar oo ah meelaha waaweyn ee siyaasada Mareykanka lagu gorfeeyo, waxaa kaloon maanta booqanay Susan rice, intuba guulo fiican iyo is afgarad ayaanu ka gaarnay’’ Sidaasi waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaali Aadan oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay in si wanaagsan oo sharaf iyo maamuus leh loogu soo dhaweeyay dalka Mareykanka, iyadoo rajo weyn ka muujisay in xiriirka labada dal uu gaaro heerkii ugu sareysay.

Dowlada Mareykanka ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo muujisay in taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay la garab taagantahay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

IMG_6359IMG_6333IMG_6343IMG_6347IMG_6389IMG_6442IMG_6450IMG_6460IMG_6482IMG_6495