Dhageyso: Maamulka Bare Hiirale Oo Ka Hadlay Arrimaha Shirka Baydhabo Soona Dhaweyey

0

hiiraaleKismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Bare Aadan Shire ” Hiiraale” ayaa ka hadlay shirarka maalmahan ka socday Magaalada Baydhabo kaasi oo looga arrinsanayey Maamul u sameynta goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana Maamulka Bare Hiiraale sheegeen in talaabadaas ay soo dhaweynayaan.

Mudane Xasan Qaasiim oo ah Afhayeenka Maamulka Bare Aadan Shire ayaa sheegay in shirarka ka socda Baydhabo ay yihiin kuwo dan ugu jirto Umadda Soomaaliyeed isla markaasna aan laga soo abaabulin wadamo shiisheeyey,waxaana uu daboolka ka qaaday inay tahaay talaabo u baahan in la tageero.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ee ay madaxda ka yihiin ay uusan ahayn KMG ah isla markaasna aysan gorgortan siyaaasadeed cidna kala galeyn,waxaana uu ku tilmaamay in Magaalada Kismaayo ay ka soo saareen Ciidamada dawlada kiiniya,waxaa kale oo uu sheegay in dawlada federaalka ahi Axmed Madoobe u aqoonsatey KMG balse Maamulkoodu uu yahay mid buuxa oo aysan cidna kala gorgortami doonin.

Dhinaca kale waxaa uu daboolka ka qaaday in Maamullkooda Jubbaland uu xafiisyo tiro badan ku leeyahay Gobolladda Jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu sheegay in xaruntooda ugu weyn ay ku taalo Meel Magaalada Kismaayo u jirta 5 Km,waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay laan ku leeyihin Magaalada Kismaayo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Xasan-Qaasim-Warsame-afhayeenka-Jubbaland-Bare-Hiiraale-2.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com