Hargeysa: Wasaarada Caafimaadka Oo Taageerro Dhaqaale U Heshay 10 Xannaano

0

somalia_elasha_OPD_MCHHargeysa(AGGM) Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Cismaan Xuseen Warsame, ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadku ay taageero dhaqaale iyo farsamo u heshay 10 xarumood oo ka mid ah xarumaha gobollada dalka ku kala yaal.

Dr Cismaan Xuseen Warsame waxa uu sidaasi ka sheegay safar shaqo oo uu khamiistii ku soo maray xanaanooyinka degmada Salaxley iyo Tuullada Abaarso oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada Hargeysa.
Kormeerkaasi oo ay agaasimaha guud ku wehelinayeen saraakiil ka socda hayada UNFBA iyo hawl wadeeno wasaarada caafimaadka ka tirsan.

Agaasimaha guud oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hawshan aanu maanta u soo baxnay waxa ay u jeedadeedu tahay in aanu bilawno kormeero iyo qiimayno xaalada xanaanooyinka gobollada dalka guud ahaan waxaanu maanta maraynaa degmada Salaxlay iyo Abaarso, ujeedaduna waa in aanu u kuur galo aniga iyo hayadda UNFBA oo naga taageerta baahiyaha caafmaadka ee kolba aanu u baahano.

Qorshaha dawladuna waa in la taageero oo aan xoojino xarumaha daryeelka hooyooyinka iyo carruurta.
Waxa uu agasimaha guud warbixino ka siiyay madaxda xanaanooyinka Salaxlay iyo Abaarso oo sheegay in ay bulshada deegaanka si fiican ugu xidhan yihiin xanaanooyinka.

Dr C/raxmaan Xirsi Maxamed (Heeliyo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aniga oo ah agaasimaha waaxda daryeelka hooyada iyo dhalaanka wasaaradda caafimaadka safarka uu nagu hogaaminayo agaasimaha guud Dr Cismaan ee ay nala socdaan hayadda UNFBA ujeedadiisu waa in 10 xanaano oo ay siddeed noo hadhayba in shaqaale iyo qalaba loo kordhiyo intii loo helo iyo in shaqaalaha shaqeeya la dhiirigeliyo. Ujeedaduna waa in la badbaadiyo hooyada uurka leh iyo dhalaanka iyo sidii ay xanaanooyinku ay u noqon lahaayeen goobo bixiya adeegyada caafimaadka ee bulshadu u baahan tahay.”

Waxa uu intaa ku sii darey,”Kan Abaarso oo ah xanaano dhawaan la furay waxa uu wax ka qabtaa ama uu gargaar degdeg ah siiyaa dadka ku dhaawacma shilalka gaadiidka ee ka dhaca Hargeysa iyo Gabilay dhexdooda intii uu shaqaynayayna waxa uu ka qayb qaatay dad faro badan oo wax ku noqdey shilalkaasi gaadiidka.

“Xanaanooyinka guud ahaan dalka ku yaallaa waa 89 xanaano, waxaana qorshaha noogu jira in 10 xanaano oo baahiyo waaweyn ka jiraan in xooga la saaro oo kuwa shaqaale u baahan shaqaale loo kordhiyo, kuwa qalab u baahana qalab la siiyo iyo shaqaalaha lagu gunneeyo guud ahaan, waxaana hawshan tobanka xanaano nagu caawinaysa hayada UNFBA ujeedada ama qorshaha wasaaraddu waa in kor loo qaado adeegyada iyo hawlaha caafimaadka ee hooyooyinka iyo carruurta iyo daryeelka iyo dhiirigelinta shaqaalaha in la horumariyo,” ayuu yidhi DR Cabdiraxmaan.

Dr Aadan Haybe oo ka socday hayada UNFBA ayaa yidhi “Hayada UNFBA qaybteeda ka shaqaysa daryeelka iyo ilaalinta hooyadda iyo carruurta, waxaanu wasaaradda caafimaadka ka taageernaa xanaanooyinka qalabkooda, tababarka iyo gunooyin aanu dhawaan bilaabi doono safarkan maanta iyo kuwa danbe waxaanu ku ogaanaynaa inta ay baahidu le’eg tahay si aanu wax uga qabano.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com