Dhageyso: Madaxweyne Xasan ” Ciidamada Tuute U Gaar Baan U Sameyneynaa Oo Aan Cid La Wadan ”

0

xasan-2Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda ku sugan wadanka dibediisa ayaa ka hadlay dhibaatada Tuutaha ciidamada dawlada loogu geysto shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu daboolka ka qaaday in dawladu wado qorshe ay ciidamadda dawlada ugu sameynayso tuute u gaar ah oo aan cid kale la wadan.

Madaxweynuhu waxaaa uu shaaciyey in tuutahaas hadda lagu hayso sameyntiisa gacanta isla markaasan dhawaan dalka Soomaaliya la soo gaarsiin doono loona qaybin doono ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan gobolka Kasta oo soomaaliya ah,waxaana uu sheegay in cidda tuutaha ciidamada dhibaatada ku geystaa ay soo bixi doonaan.

Hadalkan waxaa uu imaanaya iyadoo gobolladda dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ay dilal iyo dhac joogto ah ka geystaan rag ku labisan direyska ciidamada isla markaasna la aqoonsan meesha rasmiga ah ee ay ka tirsan yihiin balse talaabadan uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey waxa wadada u fureysaa in la helo dadka ka dambeeya dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka soomaaliyeed.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WARBIXINTA-KU-AADAN-MADAXWEYNAHA-OO-TUUTAHA-CIIDANKA-WADA-GASHTAAN-CAQABAD-KU-TILMAAMAY1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com