“Dad Waraaqo Hanjabaad ah u Qoray Genel Energy Way Jiraan, Shirkadduna Way Na Tustay”

0

Wasiirka-arrimaha-dibadda4Hargeysa(AGGM)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in shirkadda Genel Energy ay u soo bandhigtay cadaymo muujinaya in dad reer Somaliland ahi ay u gudbiyeen qoraalo isugu jira hanjabaado iyo kuwo ka dayrinaya ammaanka dalka oo shirkadu tustay Wasiirro dukumantiyo saxeexyo leh oo lagu handidayay.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Allgalgaduud, isaga oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaanu tilmaamay in masuuliyiinta shirkadda Genel Energy oo ay dhawaan isaga iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu kulan kula yeesheen magaaladda London ay ku tuseen qoraaladaasi oo sabab u noqday inay si ku meel gaadha ah u hakiyeen hawshii shiidaal qodista goboladda berri ee dalka.

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waraysigaasi aanu la yeelanay waxa aanu wax kaga waydiinay arrimo badan oo ay ka mid yihiin kulan ay isaga iyo xubno wasiiro Somaliland ahi magaaladda Addis Ababa kula yeesheen raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen. Iyo sidoo kale qoddobo la xidhiidha sababihii ay shirkadda Genel Energy dalka uga baxday iyo aragtidiisa qorshihii uu midawga Yurub Somaliland gaarkeeda ugu qoondeeyay inay u hesho mucaawimooyinka dalalka Yururb.

Wasiir Maxamed Biixi oo ugu horayn ka hadlayay kulanka ay Addis Ababa kula yeesheen raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha dibada waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu la kulanay raysal Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha dibada, annaga oo ah wefti balaadhan oo Somaliland ka socday oo aniga iyo labadii Wasiir iyo safiirkuba aanu la kulanay, waxaanu kala hadalnay arrimo khuseeya labada wadan oo ay nabadgeliyadu ka mid ahayd iyo sidii loo sii xoojin lahaa ee la isu kaashan lahaa. Sidii aanu isaga kaashan lahayn dhaqaalaha iyo horumarka.

Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimaha siyaasadda oo ay mid ahayd nabadgeliyadda Somaliland taalla, dimuqraadiyadda aynu samaynay iyo gooni isku taageena oo aanu u sheegnay in uu yahay mid muqadas ah oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan waydiisanay in ay taa ogaadaan oo haddii wadahadalo Soomaaliya ah ay yimaadaan in taasi ay tahay lama taabtaan, iyo xagga tacliinta in ay deeqo waxbarasho na siiyaan, xagga caafimaadka iyo arrimaha bulshadda, waanan isla afgaranay dhamaanba waxyaabahaasi. Waxaanu aad ugaga wadahadalnay in aanu xagga nabadgeliyadda gacan buuxda iska siino kana wada shaqayno, meelna uga soo wada jeedsano ilaalinteeda, in aanu arrimaha dhaqaalaha iyo horumarka iska kaashano, in aanu laba wadan oo walaalo ah oo jaar ah oo iska war-haya noqono iyo in aanu cilaaqaadkayagii siyaasiga ahaa ee naga dhexeeyay aad u sii xoojino”.

“Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi ayaa la kulmay dhigiisa itoobiya, arrintaasina kala hadlay waxaanu noo sheegay in uu ku soo qanciyay in aan mushkilad ammaan darro Somaliland jirin, waxaanay balan qaadeen in diyaaraddu hawshii dib u bilaabayso, wuxuu wasiirku noo sheegay in arrimaha ay sheegteen nabadgeliyo darro ku lug leedahay bal se aanay madaarka ku lug lahayn, waxaanay u soo dirteen koox qiimayn ku soo sameeya nabadgeliyadda waanay soo noqdeen. Waxay ku yidhaahdeen wasiirka duulista sababaha aanu dalka uga baxnay waxa weeyi arrin amaan darro, taa awgeedna waxa ay soo dirsadeen koox qiimayn ku sameeya oo eega nabadgeliyo darradu waxa ay tahay, nimankiina way soo noqdeen, waxaanay yidhaahdeen wax dhibaato ah oo aanu aragnaa ma jirto, waxaanay cadeeyeen in ay dhakhso u bilaabi doonaan hawlaha, sida uu noo soo gudbiyay Wasiirku,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Su’aal: Waxa aad dalka Ingiriiska kula kulanteen shirkadda Genel Energy, maxaa aad ka wada hadasheen, ma se idiin sheegeen sababta rasmiga ah ee ay u baxeen?

Jawaab: Genel Energy waanu is aragnay, hase yeeshee nooma ay cuntamin arrinta ammaan darrada ay sheegeen, aadna waanu u wadahadalnay, waxaanu isla gaadhnay in ay yidhaahdaan waanu soo noqonaynaa, hawlaha ayaanu ha kinay, taana fulinteedii sidii horumarin loogu samayn lahaa ayaanu wadnaa.

Su’aal: Goorma ayaa la filayaa in ay shaqadii dib u bilaabaan?

Jawaab: Wakhti cayiman nama ay siinin oo ay yidhaahdeen wakhtigaasi ayaanu bilaabaynaa oo mucayin ah, hawlaha xaggayaga looga baahan yahay ee nabad-gelyadda ah iyo qiimayn ayaanu samaynaynaa ayay yidhaahdeen, todobaadka soo socda ayaanu bilaabaynaa, koox xagga shirkadda ka socota ayaana iman doona Somaliland oo xagga ammaanka ah, sidaa awgeed marka ay taasi dhamaato ayaanu doonaynaa in aanu ka wadahadalno sidii ay dhakhso ugu iman lahaayeen.

Su’aal: Wasiir, waxa jira warar sheegaya in sababta ay General Energy u baxday in ay tahay cadaadis kaga yimid wadamo dibada ah iyo xagga Somaliland laf ahaanteeda oo ay dad mucaarid ahi waraaqo u qoreen, arrintaasi maxaa ka jira?

Jawaab: Dad waraaqo u qoray way jiraan oo waxaa jira waraaqo dadkii u qorayna ay saxeexeen, way jiraan oo dadkaasi dalka ayay joogaan, waanay na tuseen waraaqahaasi masuuliyiinta shirkadda Genel energy, waxayna yidhaahdeen dad badan oo ah shacabka meesha degan ah ayaa qudhadoodu na dhibaateeyay oo qoryo noola soo baxay, markaa run ahaantiina waxa ay sheegayaan wax baa ka jira, in shirkaddii hadidaad aan daruuri ahayn lagu sameeyay way jirtaa, shacbigeena waxa ay u baahan yihiin in ay fahmaan shirkaddan iyo mustaqbalkeenii in ay isku xidhan yihiin, oo ninka xabad ula soo baxaya ninka wax inoo qodaya in uu yahay nin khariban oo dhibaato ummada u gaysanaya aan ogaano,waana in uu ogaado in uu dhaawac wayn u gaysanayo ummadda iyo dalkaba, oo waana wax nolosheenii, mustaqbalkeeni iyo dhaqaaleheenii ku xidhan yihiin, oo ay tahay in aynu qof kasta soo dhawaysano, oo aanay waajib ahayn in dadka aynu u yeedhanay ee wadankeena wax ka qodaya, ee maalgashinaya, ee inoo shaqaynaya in la eryaa ay xaaraan tahay, taasina dhaawac iyo cadawnimo xageena ka imanaysa weeye, dadkeenuna waa in ay arrimahaasi ka koraan oo ay ka waynaadaan.

Su’aal: Wasiir, dhawaan shir Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayay ayaa lagu qabtay magaaladda Brussels ee caasimadda Belgium, Somaliland-na waxa shirkaa loogu qoondeeyay in ay dhaqaalaheeda gaar u hesho, sidee ayaad u aragtaa arrintaasi ka Wasiir arrime dibadeed ahaan?

Jawaab: Arrimahaasi aad ayaan iskugu taxalujiyay, sida aad la socotaan Nayroobi ayaan tegay, illaa habeenkii la joogay Brussels ninkii ambassadorka ahaa ee EU-da mar kasta telefoon ayaan kula hadlayay, waxaanan ku faraxsan nahay in EU-du si fiican ka yeeshay Somaliland, oo qiimayn gaar ah loo sameeyay Somaliland. Ayna ogaadeen in Somaliland ay ka gedisan tahay Soomaaliya, oo aanu ku qancinay markii aan Nayroobi ugu tegay iyo markii ay dalka noogu yimaadeen iyo markii shirkaba, aniga ayaa toos ula hadlayay ninka wakiilka u ah EU-da ee Nayroobi u fadhiya, waxaanan u sheegay in hawsha Somaliland ay gaar ahaato, waanan ku guulaysanay arrintaasi, waanan ku faraxan nahay.
.

Su’aal: Muddada aad xilka Wasiirnimo haysay, ma jiraan wax cusub oo aad ku soo kordhisay wasaaradda arrimaha dibada?

Jawaab: Arrimaha ugu waaweyn ee aan qabtay, waxa ka mid ah wadahadaladaa aanu la yeelanay dawlada Itoobiya ee xidhiidhka cusub ah, siyasadda dibada iyo dhaqaaluhu way isku xidhan yihiin, siyaasadda dibadda ee Somaliland, macnaheedu ma aha oo keliya in aynu ictiraaf uun raadino, waa in aynu raadinaa dhaqaale iyo horumar, shaqo abuur, iyo nabadgeliyada oo la ilaaliyo, taasi oo aad iyo aad u saamaynaysa mujtamaca Somaliland. Sida aad la socoto New Deal-ka shaqo xoog leh ayaanu ka qabanay, waxaan aad iyo aad uga shaqeeyay arrinta shirkadda Genel Energy oo ahaa mid siyaasaddeed, waxyaabo fara badan ayaanu dawladaha adduunka oo Ingiriiisku ka mid yahay la samaynay”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com