Daawo: Al-Shabaab Oo Lagu Eedeyey Inay Sameysanayaan Hub Kiimiko Ah

0

cwLondon(AGGM) Sida ay dabaaceen Wargeyso laga leeyahay wadamada Reer galbadeedka,waxaana jira warar lagu tilmaamay inay Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ku doonayaan inay ku samaystaan hub kiimiko ah,waxaaan qoraalkaasi lagu daabacay wargeys laga leeyahay wadanka Mareykanka oo lagu Magacaabo CBS NEWS.

Bogga Tv-ga CBS NEWS ayaa daabacay in Argagixiada  Alshabaab ay  wadaan isku dayo kala duwan oo ay ku doonayaan inay ku samaystaan hub kiimiko ah oo wax gumaada,isla markaasna laga yaabo inay u adeegsadaan cid kasta oo soomaaliya ku sugan isla markaasna shacab badan ku gumaadaan.

CBS NEWS ayaa sheegay inay heleen dukumenti ay daabacday maxkamad ku taal bariga magaalada New York halkaasi oo ay ka socoto dacwadda rag Soomaali Mareykan ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin Argagixisadda Alshabaab. Waxaan arrintaasi walaac xoogan ka muujinaya wadamo badan oo caalamka ah.

Sidoo kale xogtan ayaa CBS NEWS sheegay in lagha helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran gudaha Mareykanka, laakiin arinkan ayaa ah mid aan ila hadda wax cadeyn ah loo heynin marka laga tago sheegashada CBS NEWS. Waxaana lagu wadaa in arrimahaasi cadaadaan xilliyadda inagu soo aadan maadama ay qoreen saxafad si weyn caalamka looga akhristo.

CBS NEWS Waxa uu Yiri ”Sida ay tilmaamayaan macluumaad laga helay waaxda cilmi baarista iyo horumarinta Xarakada Alshabaab, Alqaaciddada Soomaaliya waxay ku howlanyihiin baaritaanno cilmiyeed iyo qorshayaal ay ku doonayaan inay ku samaystaan hub halis ah”.

Ugu dambeyntii Talaabadan ayaa imaanaysa xilli dhawaan mucaaradka islaamiyiinta u badan ee dalka Suuriya ka dagaalama iyo xukumadda Bashaar Al-asad isku eedeyeen inay isticmaaleen hub kiimiko ah,iyadoo mucaaradka Wadanka Suuriya lagu xanto inay ku jiraan Jihaad Doonayaal Soomaali ahi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com