Shacabka Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Taageerida Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

0

axmed carabMuqdisho (AGGM): Wasaaradda Gaashaan dhiga Soomaaliya ayaa baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxana loogu baaqay in garab istaagaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya si alshabaab dalka looga saaro.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaan dhiga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud carab ayaa sheegay in Ciidamada amaanka shaqayn Karin Shacabka la,aantiis loona baahan yahay in garab ka helaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in hadii la iska kaashado ka shaqaynta amaanka dalka soomaaliya ay ku tilaabsan karaan Ciidamada xooga guulo is xig xiga waxa uuna sheegay in shacabka looga baahan yahay in dhiira galiyaan Ciidamada .

Mr. Carab ayaa ugu danbayntii sheegay in Dowlada qorshaynayso in dalka ka xurayso Kooxda Alshabaab waxa uuna sheegay in dhaman Ciidamada Xooga heegan ugu jiraan sidii loo xurayn laha cadowgaa Alshabaab dhawaana xurayn doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com