Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Itoobiya Oo Kulan La yeeshay Wefti Wasiirro ah oo ka socday Somaliland (Sawiro)

0

Weftigeenii-Addis-ababa-300x172Hargeysa(AGGM) Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya , Dr Tedros Adhanom, ayaa kulan balaadhan xafiiskiisa magaaladda Addis-ababa kula yeeshay Wefti ka socday Somaliland oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Kulankaasi waxa labada dhinaca kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga labada dal, sidaasna waxa lagu sheegay war-mutiyeed ka soo baxay xukuumadda Somaliland. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa uu u dhignaa sidan:-

“Wefti culus oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibeda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Warancade. Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Aadan Nuux Dhuule iyo safiirku xigeenka safaarada Addis ababa ,Ayaanle Salaad Diiriye . ayaa kulan balaadan xafiiskiisa kula la yeeshay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimahaa dibeda itoobiya , Dr Tedros Adhanom.

Kulankaasi oo qaatay waqti aad u dheer, waxay labada dawladood masuuliiintii metelaysay si mug leh uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Somaliland.

Masuuliyinta labada dal, waxay isla garwaaqsadeen baahiyaha labada bulsho ee walaalahi u qabaan in ay iska kaashadaan Arrimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iwm.

falanqayn dheer iyo qiimayn sugan ka dib, waxay masuuliyiinta labada wadan si mugleh isula qaateen .

In la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan, in la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga
in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada Ethiopian Airline iman jirtay Somaliland Hargeysa.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

weftigii-3weftigeenii-2Weftigeenii-Addis-ababa-300x172