Dagaal Shalay Galab Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo.

0

dagaal6Ceergaabo (AGGM): Magaalo-madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa Galabnimadii shalay wax aka dhacay Mudaharaad Ballaadhan  oo rabshado wata, kaas oo keenay Gacan-ka-hadal isku beddelay Dagaal cad.

Kooxo Hubaysan oo ka soo horjeedda lacag beddelkii dhawaan laga sameeyey magaalada  oo dad loo xidhxidhay, ayaa rasaas ku furay ciidanka ammaanka, kuwaas oo iyaguna jawaab bixiyey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle sare Gacma-yare oo aanu dhacdadan wax ka weydiinay, ayaa sidan  noo sheegay, “Wax way dhaceen, Haddase warbixin idinma siin karo, maadaama aarintu qabyo tahay,”, taliyaha ayaa sheegay inaanu jirin dhaawac la sheegay inuu isaga soo gaadhay.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Magaalada Ceerigaabo, rabshadahan ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ciidanku Ammaanku xabsiga dhigeen dad ganacsato ah  oo wax ku iibinayey Lacagtii giimbaarta ahayd ee dhawaan la beddelay.

Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixisay in tallaabo sharci laga qaado ciddii lacagta laga mamnuucay gobolka wax ku iibisa, balse sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha arrimahaa, waxay ciidanka Booliska oo fulinaya awaamiirta xukuumadda shalay xabsiga u taxaabeen shan qof oo isugu jira haween iyo rag ganacsato ah.

Ehelada iyo qoysaska dadka la xidhay kasoo jeedaan ayaa ka cadhooday tallaabadaa, waxayna sameeyeen mudaharaad aan waqti badan socon oo Taayiro lagu gubay wadooyinka gala suuqa dadkaa laga xidhay oo ku yaal dhinaca Koonfur Bari ee magaalada Ceergaabo.

Hase yeeshee xalay salaadii Maqrib ayaa suuqa rabshadu ka dhacday oo ciidamada Boolisku ku sugnaayeen laga maqlay tacshiiraddo rasaas ah, taas oo dhexmartay Ciidanka iyo kooxo dhalinyaro u badan oo hubaysan, kuwaas oo ka cadhooday dadka la xidhay, waxaana wararka hordhaca ah sheegayaan in ilaa shan qof oo shicib ah ay ku dhawaacmeen.

Xukuumadda Somaliland iyo ciidanka ammaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan amaan-darrada ah eek a dhacday magaalada Ceerigaabo, waxana la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadlaan sababaha rasmiga ah ee keenay in magaalada dhexdeeda dagaal ka dhaco.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com