Daawo:Falaago Ka Tirsan Al Qaacida Oo Qabsaday Magaalo Ku Taal Xadka Suuriya Iyo Turkiga.

0

syria-al-qaidaDamascus (AGGM):Maleeshiyaadka ka soo horjeeda xukuumada Suuriya ayaa beryahan danbe waxa dhexdooda ka socday dagaal aan aad looga warheyn oo ay ku kala riixanayaan degaanada xukuumada ay ka qabsadaan.

Dagaal dhawaan dhexmarayna waxa ay ku kala qabsadeen magaalo ku taal xadka Suuyriya ay la wadaagto dalka Turkiga.

Turkiga ayaa kolkii ay ka war heleen in maleeshiyaad Al Qaacida ku xirani ay la wareegeen magaalada Jbourin waxa ay xireen xadka.

Dawladaha reer Galbeedka iyo kuwa khaliijka ayaa waxa ay taageero hub iyo lacagoba siiyaan kooxaha dagaalka kula jira xukuumada Bashaar Al Asad.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhexeeya meliishaadka mucaaridka ayaa gelinaya xaalada dalka Syria marxlad hor leh oo madoow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com