Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo garaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaay sheegayan in la badalay Taliyihii Ciidamada Kenya ee Goboladda Jubboyinka Gen. Anthony Ngere.
Gen. Anthony Ngere ayaa waxaa uu yimid ka dib marki lagu eedeyay Musuqmaasuq iyo in uu gacan saar dhow la leeyahay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo qeeyb weeyn ka ah nabad galyo la’aanta ka taagan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dadka rayidka ah u geesanayaan boob, dilal, kufsi iyo barakicin baahsan, taas oo sababtay in dacwad laga gudbiyo Madaxdweynaha Kenya isamarkaana lagu dibadbaxo safaarada Kenya ee dalka Mareykanka
Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in ay Taliye Cusub usoo magacowday Ciidamadeeda ku sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana lagu wadaa in uu dhawaan taliyaha cusub soo gaaro Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Waxaa ka marnayn badalka Gen. Anthony Ngere arriomo la xiriira siyaasada oo ay ka mid tahay in Dowladda Kenya aysan la dhacsanayn Heeshiiskii dhawaan ku dhexmaray magaalada Addis Ababa Dowlada Soomaaliya iyo Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxaana la sheegaya in Isbadalka lagu sameeyay Saraakiishi hore ee Ciidamada Kenya ee ku sugnaa magalaada Kismaayo ay qayb ka tahay jilaafo Kenya ay la damacsantahay Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kadib markii laga war helay in Gen. Anthony Ngere usbuuci la siiyo $200,000 oo doolar lacagtaas oo qeeyb ka ah lacagta ka soo xaroota dekeda magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duboo isbadalka dhanka Ciidamada Kenya ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhabarjab baaxad weyn ku yahay horjoogaha iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waxaana suura gal ah in magaalada Kismaayo ay dhawaan ka dhacaan isbadal siyaasadeed iyo mid ciidanba.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com