War Deg Deg Ah: Ciidamada Dawlada Oo La Wareegay Degmadda Mahadaay

0

breaking-news1Muqdisho(AGGM) Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa hadda la wareegay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe,waxaana la sheegaya in ciidamada xoogga dalka oo aad u hubeysan hadda la wareegen degaankaasi oo ay gacan ku hayntiisa hore u u haysteen Kooxda Alshabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegaya inay saaka ka ruqaansadeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana la sheegayaa in Markii Xarakada Alshabaab ka war heleen in ciidamada dawladu degaankaasi ku soo wajahan yihiin inay halkaasi ka baxeen isla markaasna aan la aqoon meesha ay jaan iyo cirib dhigeen Kooxdii Alshabaab ee halkaasi maamuli jirtey.

Daa’uud Xaaji Ciro oo ah afhayeenka Maamulka Shabeelaha Dhexe oo khadka telefoonka kula soo xiriiray warbaahinta Allgalgaduud ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada dawladu ay la wareegeen degaankaasi,waxaana uu sheegay inuu hadda isagu ku sugan yahay degmada Mahadaay.

Sidoo kale Waxa uu shaaciyey inay hadda la kulansan yihiin shacabka Degmada Mahadaay isla markaasna kala hadlayaan inay isdejiyaan si amaanka loo xaqiijiyo,waxaana uu sheegay inay Alshabaab dhibaato xoogan ku hayeen shacabka Degmada Mahaday isla markaasna maanta lagu guuleystey in la siiyo xoriyadooda.

Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan degmada Mahaday isla markaasna u kuur galaan xaalada degmada Mahaday,waxaana lagu wadaa in ay halkaasi kula kulmaan shacabka iyo waxgaradka degmada Mahaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com